Muqdisho (Caasimada Online) – Warka ka imaanaya Xarunta Madaxtooyada Somalia, ayaa sheegaya in goor dhow uu halkaasi kulan uga bilowday Madaxweyne xassan Sheekh Maxamuud iyo Wasiiro, Xildhibaano ka tirsan garabkiisa.
Wararku waxa ay sheegayaan in kulankaasi uu yahay mid Xog uruursi ah oo ay Mas’uuliyiintaasi isku weydaarsanayaan waxyaabihii u qabsoomay iyo talaabooyinka ka harsan Mooshinka.
Wasiirada iyo Xildhibaanada qaar ayaa waxa ay Xassan Sheekh u bandhigeen in wax laga bedelo Jiljilicsanaanta Gudoonka Baarlamaanka, iyagoona Codsaday inaan la daahin Mooshinka, sababo la xiriira niyad jab soo food-saaray Xildhibaanada qaar.
Sidoo kale, Madaxweyne Xassan ayaa u ballanqaaday in kulanka dhici doona uu noqon doono mid aan Fashil ku dhamaan, waxa uuna ugu baaqay inay xoojiyaan dhankooda oo aysan ka niyad jabin go’aanka ku aadan Mooshinka.
Dhanka kale, waxaa la filayaa in Wasiirada iyo Xildhibaanada ay ku dhaqmi doonaan go’aanka uu u jeex-jeexay Madaxweyne Xassan, inkastoo kulanka ay ka maqnaayen dhowr xildhibaano mooshinka qeyb kawada.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

