29.9 C
Mogadishu
Wednesday, April 29, 2026

Xasan iyo Jawaari oo qaatay kulan ay albaabada u xiran yihiin (Xog cusub)

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)-  Iyadoo uu maanta dalka dib ugu soo laabtay Gudoomiyaha Baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, ayaa waxa uu soo dhaweyntiisa kadib kulan uu Albaabada u xiran yahay la qaatay Madaxweyne Xassan Sheekh.

Kulanka ayaa la sheegayaa in labada Mas’uul ay uga wada hadlayeen Arrimo dhowr ah oo ay kamid ahaayen Mooshinka, Khilaafka iyo weliba Fariin uu Jawaari ka siday Madaxweynaha Jabuuti Ismail Omar Geelle.

Xassan Sheekh, ayaa Gudoomiyaha Baarlamaanka u sharaxay Heerka uu xiligaani gaarsiisan yahay Mooshinka iyo Go’aanada ku aadan hirgalintiisa, waxa uuna Madaxweynuhu ka Codsaday Jawaari in sida ugu dhaqsiyaha badan ku meel mariyo Mooshinka.

Sidoo kale, Madaxweyne Xassan ayaa waxa uu Jawaari ku wargaliyay inuu u fasaxan yahay in uu Tallaabo adag ka qaado Xildhibaanada qorsheynaaya inay qas ka dhex sameeyaan kulanka soo socda.

Warar hoose ayaa Tibaaxayo in Xassan Sheekh uu Jawaari ku wargaliyay inuu weyn doono xilkiisa, waa haddii uu soo laalaabto Fashilada Mooshinada looga soo horjeedo R/W C/weli, isagoona arrintaasi ku tilmaamay Jiljilacsanaan heysata Gudoonka Baarlamaanka, hayeeshee uu dhici doono Isbedel waa haddii go’aan laga gaari waayo Mooshinada.

Jawaari ayaa soo dhaweeyay hadalka Xassan Sheekh waxa uuna ballan qaaday inuu Go’aan ka gaari doono saacadaha soo socda Xildhibaanada Buuqa ka dhex wado Xarunta Baarlamaanka.

Dhanka kale, Gudoomiyaha Baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, ayaa Madaxweyne Xassan gudoonsiiyay Warqado uu ka siday Madaxweynaha Jabuuti Ismail Omar Geelle.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News