25.7 C
Mogadishu
Monday, June 23, 2025

Xildhibaano ku shirsan Hotelo ku yaala Muqdisho iyo qorshaha socda oo ah..

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho(Caasimada Online)- Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa iminka kulan wuxuu kaga socdaa magaalada Muqdisho gaar ahaan hotel ku yaala meel dhow xarunta madaxtooyada Soomaaliya.

Xildhibaanada ayaa ah xildhibaanadii mooshinka ka gudbiyay xukuumada Soomaaliya, kuwaasi oo taageersan madaxweynaha dalka soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud.

Xildhibaanada ayaa kulankooda waxay ku leeyihiin hotelka Naasahablood 2 oo ku yaala magaalada Muqdisho, waxaana wariyaha caasimada Online ee Muqdisho uu sheegayaa inay ka qeyb galeen xildhibaano badan.

Xog Caasimada Online ay heshay ayaa sheegaysa in xildhibaanada ay ka arinsanayaan arimaha mooshinka ee beri la filayo inay ka doodaan xildhibaanada baarlamaanka, siduu horay u balanqaaday gudoomiye Jawaari.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya inay ka arinsanayaan sida xildhibaanada kale ay kaga dhaadhicin lahaayeen riditaanka xukuumada Soomaaliya.

Dhanka kale xildhibaanada taageersan ra’iisul wasaaraha dalka Soomaaliya ayaa waxay ku shirsan yihiin hotel ku yaala magaalada Muqdisho, waxayna kaga arinsanayaan sidii ay kaga hortagi lahaayeen mooshinka ka dhanka ah xukuumada Soomaaliya.

La soco waxii kusoo kordhaa Insha Allah.

Caasimada Online
Xafiiska Wararka Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News