Sawirro: Xogta kulankii Ismaaciil Cumar Geele iyo Aadan Madoobe – Maxaa dhacay maanta?

Muqdisho (Caasimada Online) –

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta kulan la qaatay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaciil Cumar Geelle.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo ugu horeyn Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ku soo dhoweeyay Aqalka Madaxtooyada Jamhuuriyadda Jabuuti, isagoo uga mahadceliyay booqashada rasmiga ah ee uu ku yimid Jabuuti.

Madaxweyne Geelle ayaa bogaadiyay guulaha waaweyn ee uu Baarlamaanka Soomaaliya ku talaabsaday labadii sano ee lasoo dhaafay, isagoo xusay in shuruuc muhiim u ah geedi socodka dhismaha dowladnimada Soomaaliya uu ansixiyay Baarlamaanka 11-aad ee JFS.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo u mahadceliyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa tilmaamay in dowlada iyo shacabka Jabuuti ay kaalin walaalnimo kasoo qaateen dib u dhiska Jamhuuriyadda Soomaaliya, isagoo sheegay in dowlada Soomaaliya ay guulo waaweyn ka gaartay dib u xoreynta dalka iyo dhismaha hay’adaha kala duwan ee dalka.

Dhinaca kale, Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa maanta ka qeyb galay kulankii baarlamaanka dalka Jabuuti, isagoo ka jeediyey Khudbad dheer oo guulihii ay dowladda Soomaaliya gaartay iyo kaalinta reer Jabuuti uu ku dulistaagay.

Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka dalka aan walaalaha nahay ee Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Dileita Mohamed Dileita, ayaa Guddoomiye Sheekh Aadan ku soo dhoweeyay fadhiga Golaha wuxuuna uga mahadceliyay booqashada isaga iyo wafdigiisa isagoo  tilmaamey in muhiim ay u tahay Jabuuti, wuxuuna ku ammaanay Baarlamaanka Soomaaliya inuu ansixiyay shuruuc ahmiyad gaar ah u leh hanaanka geedi socodka dowladnimadda Soomaaliya.

Aadan Madoobe ayaa shacabka iyo dowladda Jabuuti ku amaanay doorkoodii lama ilaawaanka ahaa ee ay Jamhuuriyadda Jabuuti ku laheyd dib u yag-leelida Jamhuuriyadda 3-aad ee Federaalka Soomaaliya oo soo martay marxalado kala duwan, isagoo u mahadceliyay shacabka iyo Dowladda Jabuuti oo garab u ah walaalahooda Soomaaliyeed.