Sawirro: Yaa kusoo baxay 16-ka kursi ee Boosaaso?

Boosaaso (Caasimada online) – Magaalada Boosaaso oo ah deegaan doorashada labaad ee Puntland ayaa waxaa maanta si rasmi ah uga bilaabatay doorashada kuraas ka mid ah xubnaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Kuraasta doorashadooda la qabtay ayaa kala ah:-HOP#227, HOP#273, HOP#157, HOP#234, HOP#076, HOP#169, HOP#083, HOP#220, HOP#149, HOP#158, HOP#027,  HOP#036, HOP#222, HOP#228, HOP#142 iyo HOP#190.

Xubnaha soo baxay ayaa waxaa ku jira 1-Bashiir Cabdi Maxamed (Ameeriko) oo ah taliyihii hore ee ciidamada Booliska Soomaaliyeed, kaas  oo ku guuleystay Kursiga HOP#273.

2-Cabdicasiis Maxamed Maxamuud Qambi oo ku guuleystay doorashada Kursiga HOP#227. 3-Maxamuud Axmed Aadan (Geesood) oo ku guulaystay Kursiga HOP#157. 4-Marwo Cabdi Bashiir Xaaji Cali oo ku guuleysatay Kursiga HOP#234. 5-Muuse Axmed Ismaciil oo ku guuleystay Kursiga HOP#076. 6-Cali Mahdi Maxamed oo ku guuleystay Kursiga HOP#169. 7-Maxamed Bashiir Cali oo ku guuleystay Kursiga HOP#083. 8-Cali Xaaji Daahir Saleebaan oo ku guuleystay Kursiga HOP#220. 9-Faysal Axmed Maxamud oo ku guuleystay Kursiga HOP#149. 10-Saddaam Maxamuud Cabdi oo ku guuleystay Kursiga HOP#158. 11-Siciid Cali Muuse oo ku guuleystay  Kursiga HOP#027. 12- Maxamed Aadan Diini oo ku guuleystay Kursiga HOP#036. 13-Caynaanshe Yusuf Xuseen oo ku guuleystay kursiga HOP#222. 14-Cabdullaahi Faarax Mire oo ku guuleystay kursiga HOP#228. 15-Ismaaciil Shire Jaamac oo ku guuleystay  Kursiga HOP#142. 16-Maxamed Cabdi Maxamed oo ku guuleystay  Kursiga HOP#190.

Dhammaan xubnaha guuleystay ayaanan gelin tartan adag, waxayna kusoo baxeen cod gacan taag ah, waxayna sidoo kale aad ugu dhow yihiin Deni oo 16-kooda soo saartay.

Kuraastan ayaa waxaa muddo ka taagnaa murano xoogan, waxaana boosaskoodii waayey wasiiro ka tirsan dowladda federaalka oo maalmahan ku sugnaa halkaasi.

Si kastaba, Puntland ayaa noqoneyso maamul goboleedkii ugu horeeyey oo 1 maalin kusoo gabagabeeyey doorashada deegaan doorashada labaad, marka loo eego maamullada kale.