Wararkii ugu dambeeyey ee doorashada kuraasta taalla GAALKACYO

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Magaalada Gaalkacyo, gaar ahaan qaybta Galmudug ayaa waxaa ka socda qaban qaabadii ugu dambeysay ee doorashada kuraasta taalla gudaha magaaladaas oo ah deegaan doorashada labaad ee Galmudug.

Guddiga SEIT ee Galmudug ayaa shaaciyey liiska xubnaha guddiga xulista ergada afar kursi oo ka mid ah kuraasta taalla koonfurta Gaalkacyo.

Guddiga la shaaciyey ayaa ka kooban halkii kursi saddex oday dhaqameed iyo laba xubnood oo ka socda bulshada rayidka ah.

Kuraasta afarta ah ee dhowaan la qabanayo doorashadooda ayaa kala HOP#001, HOP#13, HOP#101 iyo HOP#017.

Galmudug ayaa haatan dadaal xoogan ku bixineysa, sidii loo dardargelin lahaa qabsoomida doorashooyinka Golaha Shacabka Soomaaliya oo haatan maraya meel wanaagsan.

Doorashooyinka baarlamaanka ee socda ayaa lagu wadaa in lasoo gabagabeeyo, ka hor 15-ka 15-ka bishan March ee sanadka 2022-ka.

Soomaaliya ayaa ku daahday xaaladda kala guurka ah ee ka dhalatay muranada hareeyey doorashada oo dib u dhacday hal sano iyo dheeraad.