Ciidamada ammaanka Beledweyne oo toogtay raggii dilay Axmed Biriq

Beledweyne (Caasimada Online) –  Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dil qorsheysan oo xalay loogu geystay magaalada Beledweyne sarkaal ka tirsanaa ciidamada Booliska HirShabelle oo lagu magacaabi jiray, Axmed Xasan Biriq.

Marxuumka ayaa waxaa lagu dilay xaafadda Howlwadaag ee magaalada Beledweyne, sida ay shaaciyeen saraakiisha laamaha ammaanka ee magaaladaasi.

Wararka ayaa sheegaya in sidoo kale toogasho lagu dilay laba ka mid ah raggii ka dambeeyey dilka sarkaalkaasi, kuwaas oo ay israsaaseeyeen ciidamada ammaanka.

Saraakiil ka tirsan booliska Beledweyne ayaa sheegay in labada nin ee la dilay ay ku hubeysnaayeen bistoolado iyo bambaanooyin nooca gacanta laga tuuro.

Sidoo kale waxaa gacanta lagu dhigay dad kale oo looga shakisan yahay inay ku lug lahaayeen dilka Axmer Biriq.

Ammaanka Beledweyne ayaa muddooyinkii lasoo dhaafay ahaa mid liita, waxaana ugu dambeeyey dil loo geystay mid ka mid ah nabadoonada ku dhaqa  magaaladaasi.

Beledweyn ayaa waxaa haatan ka socota doorashada kuraas ka mid ah Golaha Shacabka, iyadoo maagalada ay ku sugan yihiin ciidamada dowladda iyo kuwa HirShabelle oo iska kaashanaya sugidda amniga.