Qatar oo shaacisay safar dibada ah oo berri Farmaajo u qorsheysan

Doha (Caasimada Online) – Dowladda Qatar ayaa shaacisay in Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu saacadaha soo socda ku wajahan yahay magaalada Doxa ee dalka Qatar.

Warbaahinta Qatar News Agensy ayaa sheegtay in Madaxweyne Farmaajo oo maalinta Sabtida ah ee berri uu tegi doono dalkaas.

Sidoo kale Warbixintaan waxay intaas ku dareysaa in maalinta xigta ee Axadda ah ay balansan yihii oo Farmaajo uu la kulmi doono Amiirka dalka Qatar Sheikh Tamim bin Hamad Al-Thani.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Sabtida soo gaaraya magaalada Dooxa ee dalka Qatar. Amiir Sheikh Tamim bin Hamad Al-Thani ayaa maalinta Axada ah kula kulmi doona Madaxweynaha Soomaaliya Amiri Diwan, iyagoo ka wada hadli doona xiriirka labada dal iyo sidii loo taageeri lahaa loona horumarin lahaa, iyadoo ay u dheer tahay arrimo dhowr ah oo khuseeya danaha guud,” ayaa lagu yiri qoraalka ay baahisay Qatar News Agensy.

Dowladda Qatar ayaa aad u taageerta xukunka Madaxweyne Farmaajo, waxaana la sheegaa in si buuxda ay u dooneyso in Farmaajo dib loogu doorto Madaxweynaha Soomaaliya.

Marar badan ayuu Farmaajo sidaan oo kale safaro ugu tegay dalka Qatar, isagoo la kulmay Amiirka iyo madaxda kale ee ugu sareysa dalkaas, mucaaradka Soomaaliya ayaa iyaguna aad u dhaliila qorshaha Qatar ee Soomaaliya oo aan u muuqan mid dhexdhaxaad ah, sida ay qabaan.