Xubno ka tirsanaa Al-Shabaab oo caawa lagu toogtay Beledweyne kadib dilkii sarkaalka

Beledweyne (Caasimada Online) – Magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan waxaa caawa lagu dhex toogtay labo nin oo la sheegay inay ka tirsanaayeen dagaalamayaasha Al-Shabaab, kuwaas oo xaafadda Howlwadaag ee magaaladaas ku dilay Axmed Xasan Biriq oo ahaa sarkaal ka tirsanaa booliska HirShabeelle.

Waxaa lasoo bandhigay sawirrada meydadka labada nin ee la toogtay, kuwaas oo dusha laga saaray bistooladihii ay sarkaalka ku dileen.

Sidoo kale saraakiisha ammaanka magaalada Beledweyne oo aan la hadalnay waxay noo sheegeen in nolosha lagu qabtay seddax qof oo kale, kuwaas oo lagu tuhmayo inay dilka sarkaalka ku lug lahaayeen.

Beledweyne waxay ka mid tahay magaalooyinka ugu ammaanka xun dalka, waxaana ka dhaca dilal qorsheysan iyo qaraxyo inta badan ay masuuliyadooda sheegato kooxda Al-Shabaab.

Sidoo kale magaalada waxaa ka socota doorashada xildhibaanada golaha shacabka ee deegaan doorashadoodu tahay gobolka Hiiraan, waxaana ku sugan dhamaan madaxda sare ee dowlad goboleedka HirShabeelle.

Waxaa xusid mudan in ciidan xoog leh oo isugu jira Gor Gor, Haramcad, Militeri iyo booliska ay isku howlayaan inay aad u sugaan ammaanka magaalada Beledweyne.

Kooxaha dadka dila oo inta badan baxsa jiray ayaa caawa la toogtay, kadib markii howlgal deg deg ah ay ciidanku fuliyeen, waxaana meydadka ragga lasoo bandhigay ka miuuqata rasaas aad u badan oo jirkooda lala dhacay.