Sawirro: Howlgal culus oo laga fuliyey Mubaarak iyo saraakiil sare oo la beegsaday

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidanka sida gaarka ah u tababaran oo howlgal qorshaysan ka fuliyay deegaanka Mubaarak ee gobolka Shabeellada Hoose ayaa beegsaday xaruntii ugu weyneed ee Al-Shabaab ay ku canshuuri jireen shacabka gobolkaas.

Howlgalkaas oo ahaa mid culus waxaa lagu dilay sarkaal sare oo magaciisa lagu soo koobay Carab, kaas oo ahaa horjeege ku xigeenkii Al-Shabaab ee deegaanka Mubaarak.

Sidoo kale weerarka waxaa ku dhaawacmay ku dhowaad 10-kale oo ka tirsan dagaalyahanada Al-Shabaab, sida ay warbaahinta dowladda u sheegeen saraalkiil ka tirsan dowladda.

Saraakiisha lagu dhaacwacay howlgalka waxaa ku jira Cusmaan Daa’uud oo ah madaxii ugu sareeya Shabaab-kii lagu weeraray deegaanka Mubaarak iyo sarkaal kale oo lagu magacaabo Ow-Maay, kaas oo Al-shabaab u qaabilsanaa dhaqaale uruurinta.

“Howlgalkaan wuxuu ahaa mid bartilmaameed ah oo lagu beegsaday halka ay ugu yeeraan Argagixisada xarunta Maaliyadda, waxaana xilliga howlgalka uu dhacay ku sugnaa horjoogayaal sar sare iyo maleeshiyaad Argagixiso ah,” ayuu yiri sargaalka la hadlay Warbaahinta Qaranka.

Sidoo kale Saraakiil ka tirsan dowladda ayaa sheegay in dad shacab ah lagu haystay xarunta dhaqaalaha Al-Shabaab ay ku aruurinayeen xilliga howlgalka laga fuliyey.

Ciidamada dowladda ayaa maanta howlgalo ka fuliyey deegaano badan oo  ka baxsan magaalada Muqdisho, kuwaas oo kala ah Mubaarak, Markaska, Buulo-riski, Jaran iyo deegaano kale oo hoos taga degmada Afgooye.

Dhinaca kale Warbaahinta taageerta kooxda Al-Shabaab ayaa baahisay war sheegaya in dad badan oo shacab ah maanta lagu beegsaday weerarkii ay ciidamada dowladdu ka fuliyeen degaanka Mubaarak, kuwaas oo u badnaa gaadiidley, lama hayo tirada rasmiga ah ee dadka lagu dilay howlgalkaas iyo inay sax tahay sheegashada Al-Shabaab ee ah in la beegsaday dad rayid ah.