Shirkad Soomaali ah oo sheegatay markabkii uu ku faanay madaxweynaha Ukraine

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa todobaadkaan sheegay in Qamadi gargaar ah oo ka socda dalkiisa uu ku sii jeedo Soomaaliya, oo macluul qarka u saaran, nolosha malaayiin qofna ay halis ugu jirto geeri.

Hase yeeshee shirkad la yiraahdo Al-Wadaniya oo ka shaqeysa soo dhoofinta Qamadiga oo Somaliland laga leeyahay, ayaa beenisay warka madaxweynaha Ukraine, waxayna sheegtay in markabka uu ayada u kireysan yahay, islamarkaana aanu sidin gargaar.

Cumar Muuse Cartan oo ah masuul ka tirsan Shirkadaas oo Idaacadda VOA la hadlay ayaa sheegay in qamadiga uu sido markabkaas ay shirkadu leedahay oo aanu aheyn gargaar uga yimid Ukraine, wuxuuna intaas ku daray inuu bartamaha bishan kusoo wajahan yahay dekedda Berbera.

Sidoo kale afhayeenkaan u hadlay shirkadda Al-Wadaniya ayaa sheegay in mudo shan bilood ay ku wareersanaayeen sidey qamadiga uga soo dhoofsa lahaayeen dalka Ukraine oo dagaallo qaraar ay ka socdaan tan iyo bishii February ee sanadkaan.

“Bartamihii bishii hore ee Agoosto ayey noo suurta gashay in markabkii ugu horeeyey aan soo rarano, markaas oo Ruushka iyo Turkiga ay meel mariyeen heshiis lagu dhoofinayo qamadiga Ukraine, markabkaas wuxuu soo marayaa Jabuuti, isla bishaana wuxuu soo gaarayaa dekedda Berbera,” Cumar Muuse Cartan oo shirkadda Al-Wadaniya ka tirsan.

Cartan oo sii hadlayey wuxuu yiri, “Waanu maqalnay warka ah in qamadigaas uu macaawino yahay, waxaba kama jiraan warkaas ay warbaahintu baahisay, qamadigaan shirkadaa soo iibsatay.”

Hadalka masuulkaan ka tirsan shirkadda Alwadaniya oo Somaliland ka howlgasha ayaa imaanaya iyadoo Madaxweynaha Ukraine uu horay u sheegay in wadamo sabool ah oo Soomaaliya ay ku jirto ay qamadi u direen.

Dhinaca kale Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa horay ugu eedeeyay reer galbeedka in qamadiga dekedaha la furay ee Ukraine badankiisa ay u direen dalalka Europe, oo aan loo dirin wadamada gaajadu ka jirto ee saboolka ah.