SCOTLAND oo dooratay ra’iisul wasaare MUSLIM ah

Glasgow (Caasimada Online) – Baarlamanka Scotland ayaa Talaadadii xaqiijiyey in Humza Yuusuf uu beddeli doono Nicola Sturgeon, si uu u noqdo wasiirka koowaad, taasi oo macanaheedu yahay in qaranka uu yeeshay ra’iisul wasaarihii ugu da’da yaraa iyo hoggaamiyihii ugu horreeyey ee Muslim ah ee dal ka mid ah galbeedka Yurub. 

Yuusuf oo 37 jir ah, ayaa si dirqi ah Isniintii ugu guuleystay hoggaanka xisbiga Scottish National Party (SNP), si uu u qabto jagada ugu sarreeya Scotland, wuxuuna wacad ku maray inuu dib usoo nooleyn doono dadaallada istaagay ee Scotland ay ku raadineyso madax-banaani. 

Waxa uu kadib xaqiijiyey aqlabiyadda codadka xildhibaanada, codeyn shalay dhacday, si uu noqdo wasiirka koowaad, waxaana la dhaarin doonaan Arbacada maanta ah.

Ka hor codka xaqiijinta, Yuusuf ayaa qiray inay sugeyso shaqo adag, si uu buuxiyo booskii Sturgeon, balse wuxuu wacad ku maray “inuu sii wadi doono xaqiijinta Scotland togan, horusocod ah, kana muuqata saaxadda caalamka.”

“Waxaan si aan daal laheyn u raadin doonaa madax-banaani,” ayuu yiri, isaga oo ballan-qaaday inuu sida ugu wanaagsan u adeegsan doono awoodda baarlamanka.

Yuusuf ayaa Isniintii ballan-qaaday inuu noqon doono “jiilka madax-banaani ku hoggaamiya Scotland,” wuxuuna sheegay inuu London weydiisan doono inay ogolaato codeyn kale.

Hase yeeshee, xoghayaha dowladda UK ee Scotland Alister Jack ayaa sheegay inuu rajeynayo in hoggaamiyaha cusub ee SNP “uu meel iska dhigo waaliada madax-banaani doonka.” 

Ra’iisul Wasaaraha Britain Rishi Sunak ayaa isla shalay u hambaleeyey Yuusuf oo ay yeesheen wada-hadalladii ugu horreeyey kadib guushiisa.

“Waxaan xiiseynayaa la shaqeynta Humza, si aan shacabka Scotland u gaarsiino arrimaha ahmiyadaha u leh,” ayuu yiri Sunak. 

Yuusuf ayaa wada-hadallada ugu yeeray kuwa miro-dhal leh, hase yeeshee wuxuu xusay in Scotland ay dooneyso afti kale, wuxuuna yiri “waxaan caddeeyey inaan filayo in rabitaanka dimoqraadi ee shacabka Scotland la ixtiraami doono.”

Yuusuf ayaa la dhaarin doonaa Arbacada maanta ah kadib markii uu soo ansixiyo boqorka UK. 

Hoggaamiyayaasha SNP ayaa ku faanay in Scotland ay noqotay dimoqraadiyaddii ugu horreysay Galbeedka Yurub ee doorata hoggaamiye Muslim ah. 

“Waxaan u maleynayaa in tani ay muujineyso in UK uu yahay dal soo dhoweeya kooxo kala duwan, gaar ahaan Scotland,” waxaa sidaas yiri Stephen Flynn oo ah hoggaamiyaha Scotland ee baarlamanka UK.

Humza Haroon Yuusuf, oo 7-dii April 1985-kii ku dhashay caasimadda Scotland ee Glasgow, ayaa ah wiilka qoys kasoo haajiray dalka Pakistan.