Qorshaha saraakiil sare oo dowladda Mareykanka ay usoo dirtay SOOMAALIYA

Maxaas (Caasimada Online) – Saraakiil ka socotay dowladda Mareykanka ayaa gaaray degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, halkaasi oo si weyn ugu soo dhaweeyen maamulka degmada iyo saraakiisha ciidanka.

Saraakiisha Mareykanka ayaa waxaa qeyb ka ahaa soo dhaweyntooda Maxaas guddoomiyaha degmada Muumin Maxamed Xalane, Taliyaha ciidanka dib-u-xoreynta deegaanka Maxamed Cismaan Ganeey iyo madax kamid ah maamulka degmada.

Socdaalka saraakiisha Mareykanka ayaa ku qotoma dardar-gelinta wejiga labaad ee howl-galada dagaal ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, sida ay warbaahinta gudaha u sheegeen masuuliyiinta maamulka degmada Maxaas.

Saraakiishan oo ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ka garab siin doona howl-galadaasi, ayaa waxay ku boggaadiyeen ciidamada dowladda, kuwa dib-u-xoreynta iyo qeybaha bulshada degmadaasi sida ay isaga dul-qaadeen kooxda Al-Shabaab, iyaga oo u sheegay inay garab taagan yihiin.

Socdaalka Saraakiishan Mareykanka ah ayaa imanaya maalmo kadib markii gobolka Hiiraan ay gaareen saraakiil sar-sare oo ka tirsan ciidanka dowladda Itoobiya.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, ujeedka safarka saraakiishaan ayaa u daaran sidii ay uga qeyb-qaadan lahaayeen wajiga labaad ee howl-galada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, kaasi oo dhawaan ka bilaaban doona gobolka Hiiraan iyo qeybo kale oo dalka.

Ciidanka Itoobiya ayaa qeyb ka noqonaya howl-galka dhawaan bilaaban doona ee ka dhanka ah Al-Shabaab, kuwaasi oo la filayo in maalmaha soo socda ay gaaran gobolka Hiiraan, ayada oo ciidankaas qeyb ka mid ah ay ku sugan yihiin deegaano ka tirsan maamulada Jubbaland iyo Koonfur Galbeed.

Arrimahan ayaa kusoo aadaya, iyada oo magaalada Beledweyne uu dib ugu laabtay guddoomiyaha gobolka Hiiraan, kuna dhawaaqay inuu dib u bilaaban doono wajiga labaad ee howl-galka Hiiraan ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.