Digniin laga soo saaray halis kusoo food leh HIIRAAN

Beledweyne (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay digniin ku aadan fatahaado weyn oo uu sameyn karo webiga Shabeelle kadib markii roobab lixaad leh ay ka da’een dhulka sare ee dalka Ethiopia.

Waxaa laga cabsi qabaa in asbuucan dabayaaqadiisa ay fatahaado sameeyaan webiyada Jubba iyo Shabeelle, waxaana muuqata calaamado arrintaasi muujinaya oo ay ka mid yihiin heerka biyaha wabiga oo sare u kacay.

Hay’adda macluumaadka dhulka iyo biyaha Soomaaliyeed iyo FAO ayaa warbixin ay soo saareen waxaa lagu sheegay in laba illaa saddexda maalmood ee soo socda uu webiga Shabeelle ku fatihi karo Baladweyne iyo deegaanada kale ee uu maro.

Waxaa si weyn looga digay dadka degan meelaha u nugul in biyaha wabigu soo gaaraan inay sii daganaadaan aagaasi, ayada oo loogu baaqay inay taxadar wayn muujiyaan.

Arrintan ayaa imaneysa xilli uu biyaha webiga uu kor u kacay 1.25 Mitir, taasi oo dhawaan galaafan karta nolasha dad badan, iyada oo fatahaadu ku faafi karto sida laga casbi qabo dhul ballaaran oo aan la qiyaasi karin.

Webiga ayaa hadda fahataad ka sameeyay deegaano badan oo kuyaala degaanka Soomaalida, isaga oo dhibaato weyn u geystay dhul beereed.

Laba sanno kahor ayay ahayd markii ay fatahaad saameyn xooggan reebtay ay ka dhacday magaalada Beledweyne, taasi oo ay dad badan ku dhinteen, ayna hanti badan ku burburtay, waxaana muuqata in aan weli cashar laga baran dhibaatooyinkii hore ee ay sababeen fatahaaduhu.