Shiinaha oo hanjabaad cusub u diray Mareykanka

Beijing (Caasimada Online ) – Shiinaha ayaa ku hanjabay inuu aargoosan doono haddii afhayeenka Aqalka Wakiilada Mareykanka Kevin McCarthy uu la kulmo madaxweynaha Taiwan Tsai Ing-wen inta lagu guda jiro safarkeeda Mareykanka ee bisha soo socota, isagoo sheegay in tallaabo kasta oo noocaas ah ay noqon doonto “daandaansi”.

Shiinaha oo ku andacoonaya in Taiwan ay tahay gobol ay iyadu leedahay, iyada oo marar badan uga digtay saraakiisha Maraykanka inay la kulmaan Tsai, iyagoo u arkay inay taageerayaan rabitaanka jasiiraddan in loo arko waddan gaar ah.

“Haddii ay la xiriirto afhayeenka Aqalka Congress-ka Mareykanka McCarthy, waxay noqon doontaa daandaansi kale oo si dhab u jebiya mabda’a Shiinaha ee one-China, kaas oo sidoo kale dhaawacaya madax-bannaanida Shiinaha iyo midnimada dhuleed, burburinaya nabadda iyo xasilloonida marin biyoodka Taiwan,” ayay tiri Zhou Fenglian, oo ah afhayeenka xafiiska arrimaha Taiwan ee Shiinaha, oo warbaahinta kula hadasahay magaalada Beijing.

“Waxaan si adag uga soo horjeednaa arrintan, waxaana hubaal ah inaan qaadi doono tillaabooyin dhab ah,” ayay Zhu raacisay iyada oo aan bixin faahfaahin dheeri ah.

Maraykanka ayaa sheegay in safarada transit ka ah ee hoggaamiyeyaasha Taiwan ay yihiin kuwo joogto ah, isla markaana aanay Shiinuhu ka faa’iidaysan safarka Tsai, si ay tallaabo kasta oo gardarro ah uga qaado Taiwan.

Tsai ayaa la filayaa in ay ka hadasho arrintan kahor inta aysan ka duulin gegida dayuuradaha iyada oo ku hakan doonta magaalada New York.

Shiinaha ayaa hareereeyay Taiwan bishii Agoosto ee sannadkii hore, xilligaas oo Afhayeenka Aqalka Wakiilada Nancy Pelosi ay booqaneysay caasimadda Taiwan ee Taipei, iyada oo ciidamada qalabka sida ee Taiwan ay sheegeen inay isha ku hayaan dhaq dhaqaaq kasta oo Shiinahu uu sameeyo inta Tsai ay dibadda ku maqan tahay.

VOA + Reuters