Ciidanka DF oo qabsaday degaano hoos taga Galcad iyo Shabaab oo tallaabo qaaday

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno gobolka Galgaduud waxay sheegayaan in ciidanka xoogga dalka ay caawa kaabiga ku hayaan degmada Galcad ee gobolkaas oo kooxda Al-Shabaab ay gacanta ku heyso.

Warbaahinta dowladda ayaa tebisay in ciidanku ay galabta dhowr deegaan kala wareegeen kooxda, isla markaana ay qarka u saaran yihiin inay qabsadaan degmada Galcad oo horay loo xoreeyey, balse mar kale gacanta u gashay Al-Shabaab.

“Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa dib u xoreynta deegaanka ayaa si buuxda ula wareegay deegaanada kala ah Tix, Baraag Sheekh Caamir, Caliheele iyo Cali Axmed oo dhammaantood hoos taga degmada Galcad ee Gobolka Galgaduud,” ayaa lagu yiri qoraal ay baahisay warbaahinta qaranka.

Sida lagu sheegay qoraalkaan kooxda Al-Shabaab jab xoogan ayaa loogu geeystay howlgalka lagu xoreeyey deegaanadaas ee maanta lagu qaaday saldhigyadoodii ku yaallay afartaas deegaan ee laga xoreeyey.

“Dhanka Kale argagaxisadu waxay burburiyeen xarumahii isgaarsiinta degmada Galcad, halkaas oo ay caawa hareerada ka joogaan ciidanka xoogga dalka iyo kuwa dib u xoreynta deegaanka,” ayaa lagu yiri qoraalka warbaahinta dowladda oo aad ugu foogan dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Degmada Galcad oo caawa duleedkeeda ay ciidanku ku hoyanayaan waxaa horay looga xoreeyey kooxda Al-Shabaab, balse dib ayey ugu soo laabteen markii ay ka soo baxeen ciidamada dowladda.

In ciidanku ay ka soo baxaan degmadaas waxaa sabab u ahaa weerar culus oo kooxdu ay ku soo qaaday ciidamada Danab iyo Gor Gor ee Galcad ku sugnaa, waxaana weerarkaas lagu dilay Taliye ku xigeenkii Danab Xasan Tuure iyo askar badan.

Al-Shabaab ayaa la sheegay inay aad ugu xooggan yihiin aagga degmada Galcad, waxaana ku xiga Galhareeri iyo Ceelbuur oo saldhigyada ugu waaweyn ee bartamaha Soomaaliya ay ku leeyihiin.