Daawo: Maamulka gobolka oo $69,000 siinaya dadkii ku waxyeeloobay weerarkii…

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka gobolja Banaadir ayaa soo bandhigay dhaqaale loo qorsheeyey in la siiyo dadkii ay waxyeelladu ka soo gaartay weerarkii ay kooxda Al-Shabaab ku qaaday xarunta maamulka gobolka Banaadir.

Gudoomiye ku xigeenka Maamulka iyo Maaliyada Gobalka Banaadir Ciise Maxamuud Guure ayaa sheegay in 69 kun oo dollar ay u qorsheeyeen inay siiyaan ehellada 8-qof oo ku geeriyooday weerarkaas.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in dadkii ku geeriyooday weerarkaas ay duugtoodii bixiyeen, hadana ay doonayaan inay lacagtaan gaarsiiyaan ehellada dadkii ku geeriyooday weerarkaas.

“Qoys kasta waxaan ugu tala galnay afar kun oo dollar inta soo hartana waxaan sii doonaa dadka qaba dhaawacyada daran, lacagtaan waxaa iska soo uruuriyey shaqaalaha maamulka gobolka oo mushaarkooda qof kasta uu 10% ku deeqay,” ayuu yiri guddoomiye Guure.

Wuxuu sheegay in dadkii dhintay weerarkaas oo 8 qof gaaraya ay dhamaantood shaqaale ka ahaayeen gobolka, isla markaana aan la ruqsey doonin oo ehelladooda ay qaada doonaa mushaarkii ay qaada jireen.

“Dadkii shaqaalaha ahaa ee geeriyooday carruurtooda sidii ayey mushaarka u qaada doonaan, wax laga jari doono ma jiraan, in wax loogu daro maahane,” ayuu hadalkiisa ku sii daray guddoomiye ku xigeenka maaliyadda maamulka gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in dadkii dhaawacmay ay isbitaallada ka baxeen oo intooda badan ay bogsoodeen, “Waxaan ka qeyb qaadanay baxnaaninta dadkaas, hadda dhamaantood isbitaallada waa ka baxeen,” ayuu yiri.

Wuxuu intaas ku sii daray, “Maanta waxaan qabanay munaasabad aan ugu duceynay shuhadadii, munaasabadaan waxaan dib ugu dhiganay in la baxnaaniyo dadkii ku dhaacawmay weerarkii, dhaawacyada waxaan u dirnay dhaxal koob,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Guddoomiye Guure.

Hoos ka daawo