ATMIS oo ku biiraysa howl-gallada Muqdisho + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ku qaabilay Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika u fadhiya Soomaaliya, ahna Madaxa howl-galka (ATMIS) Danjire Maxamed Al-Amiin Souef.

Kulankaan ayaa waxay looga wada-hadlay xoojinta wada-shaqeynta maamulka gobolka Banaadir iyo howl-galka ATMIS, sidoo kale fulinta qorshaha sugida amniga caasimadda iyo guud ahaan howl-galada ka dhanka ah kooxaha Khawaarijta ee ka socda dalka.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Madaale ayaa ku ammaanay Midowga Afrika (ATMIS) doorka ay ka qaateen horumarka iyo Ammaanka Soomaaliya, iyagoo u huray dhiigooda iyo naftooda.

Danjire Souef ayaa xusay in ATMIS ay sii wadi doonto taageeradooda ku aadan cirib-tirka Khawaarijta iyo dardar-galinta howl-galada ka socdo dalka, isagoona shacabka Soomaaliyeed ku amaanay garab istaaga howl-galada socda, taasi oo keentay in ciidamada xoogga dalka ay guulo waaweyn gaaraan.

Sidoo kale waxa uu sheegay in ka go’an tahay in bulshada Soomaaliyeed kala shaqeeyaan amniga iyo barnaamijyada horumarinta, kahor December 2024, oo ah xilliga u qorsheysan inay soo gaba-gabeeyaan howl-galkooda Soomaaliya.

ATMIS ayaa door muhiim ka qaadan doonta qorshaha sugida amniga caasimada, ayada oo la dardar-gelinayo howlaha wada-shaqeynta Booliska ATMIS iyo taliska Booliska Soomaaliyeed.

Si kastab, Ciidamada ATMIS ayaa saameyn muuqata ku haleyn howl-galada Muqdisho iyo kuwa gobolada ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, balse taasi ayaa muuqata in hadda kadib wax iska bedeli doonaan kadib kulamo isdaba-joog ah oo ay hoggaanka ATMIS iyo madaxda DF.