Seddex qodob dartood oo doorashada Puntland ay dib ugu dhici karto (Aqri)

Garowe (Caasimada Online) – Siyaasiyiinta iyo waxgaradka Puntland ayaa Walaac  badan ka qaba in doorashada Puntland ay dib uga dhacdo xiliga loo balansan yahay oo ah Siddeeda bisha Janaayo ee sanadka 2019.

Madaxweynaha talada iminka haya C/Welli Maxamed Cali Gaas ayaa doonaya inuu markale kusoo laabto hogaaminta maamulka Puntland oo uu ka talinayay sanadihii ugu dambeeyay.

Siyaasi Muuse Cali Jaamac oo kamid ah siyaasiyiinta Puntland ayaa qaba in ay yar tahay rajada laga qabo in doorashada Puntland ay ku dhacdo waqtigeeda, waxaana uu sheegay in qodobo dhowr ah aysan saamaxeyn.

Arrinta koowaad ayuu ku sheegay inay tahay inaan la magacaabin ilaa iyo hadda guddiga doorashada iyo guddiga xalinta Khilaafaadka oo xal ka gaari lahaa murunada ka dhasha doorashada Puntland.

Wuxuu sidoo kale shaki weyn ka qabaa in guddi doorasho oo hadda la dhisaa inaysan ka shaqeyn doonin cadaaladda doorashada deegaanada Puntland, sida uu hadalka u dhigay siyaasi Muuse Jaamac.

Arrinta labaad ee keeni karta dib u dhaca doorashada ayuu ku sheegay inay tahay faragelinta xukuumadda hadda jirta ee Gaas ay ku heyso howlaha doorashada sida soo xulistii xildhibaanada iyo maroorsiga awooddii isimidu ku lahaayeen ka qeyb qaadashada iyo xulida xildhibaanada beelaha ku matalaya golaha wakiilada.

Arrinta seddexaad ee keeni karto dib u dhaca doorashada ayuu ku sheegay inay tahay in Gaas uu xildhibaano badan la doonayo inuu ka dhigo dumar, si uu hadhow u helo codadkooda, taasina ay abuuri doonto iska hor imaad.

Caasimada Online
Xafiiska Garowe
Caasimada@live.com