Shirka bixitaanka AMISOM oo Muqdisho ka furmaya

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta magaalada Muqdisho kulan gaar ah ku yeelanaya taliyaasha ciidamada AMISOM ee jooga Soomaaliya, iyaga oo ka arinsanaya qorshaha bixitaanka ciidamada AMISOM.

Taliyaasha ciidamada AMISOM oo gaaraya lix Taliye una kala dhashay dalalka Uganda, Ethiopia, Kenya, Jabuuti iyo Burundi ayaa shirkooda Muqdisho ka furmaya kaga hadlaya qorshahooda ugu dambeeya ee bixitaanka ciidamada AMISOM.

Kulanka ayaa yimid kadib booqashadii Muqdisho ay ku yimaadeen xubnaha guddiga nabad galyada iyo amaanka ee Midowga Africa, kuwaasi oo tagay magaalooyinka qaar ee dalka iyaga oo u kuurgalayay xaaladda amaan ee Soomaaliya.

Maxamed Idiris oo ah guddoomiyaha wafdiga soo gaaray magaalada Muqdisho oo ka kooban 27 xubnood ayaa sheegay in safaro ay ku tageen magaalooyinka qaar inay gelisay rajo wanaagsan oo qeyb ka ah qorshaha kala guurka AMISOM.

Kulanka maantaka dhacaya magaalada Muqdisho ayaa waxaa taliyaasha ay kasoo saari doonaan qorshaha ugu dambeeya ee ay ciidamada AMISOM uga bixi doonaan Soomaaliya 2019 ilaa 2021.

Kulanka Taliyayaasha kaddib waxaa xigi doona kulan ay yeelanayaan Waddamada Ciidamada ay ka joogaan Soomaaliya, kuwaasi oo iyana ka hadlaya habka ugu wanaagsan ee AMISOM uga baxeyso Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com