RW Abiy oo xilka ka xayuubiyay taliyeyaasha Militariga iyo Sirdoonka & kuwa cusub oo la magacaabay + Akhriso

Muqdisho (Caasimada Online)-Ra’isal wasaaraha dalka Ethiopia, Abiy Ahmed ayaa Khamiistii shalay aheyd xil ka qaadis ku sameeyay taliyeyaasha ciidamada Militariga iyo Sirdoonka dalkaasi.

Abiy Ahmed, ayaa xilalkaasi u magacaabay taliyayaal cusub oo uu ku keenay latashi uu la yeeshay xubno ka tirsan labada Gole ee dowlada.

Ra’isal wasaare Abiy Ahmed ayaa taliyaha ciidamada Militariga u magacaabay Seare Mekonen, kaddib markii uu xil ka qaadis ku sameeyay taliyihii hore militariga, Samora Younous.

Abiy Ahmed, waxa uu shaqadii ka eryay Taliyihii Sirdoonka, Getachew Assefa, isagoona Adem Mohammed u xushay inuu noqdo Taliyaha cusub ee Sirdoonka.

Abiy Ahmed, waxa uu sheegay inay muhiim tahay in taliyeyaasha cusub ay u shaqeeyan si ka duwan kuwii hore ee shaqada laga eryay.

Abiy Ahmed, waxa uu sheegay in labada taliye ay mamnuuc ka tahay inay ku mashquulan dadka feker ahaan dhaliilsan siyaasadda dowladda.

Dhinaca kale, Ra’isal wasaaraha Ethiopia ayaa muddooyinkii ugu dambeysay waday is bedelo uu dowladda ku samaynayo, tallaabadii uu Khamiistii qaadayna waxay qayb ka tahay dadaalada uu ku doonayo in is bedelada uu dalkiisa kaga hirgeliyo.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com