Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay oo naga soo gaaraya Xarunta Villa Somalia, ayaa sheegaya in Madaxweynaha JFS Maxamed C/llahi Farmaajo iyo Ra’isul wasaaraha dalka Xasan Kheyre ay isla diyaariyeen wareegtada xilka looga qaadi lahaa Guddoomiye ku-xigeenada Gobolka Banaadir.
Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’isul wasaare Kheyre ayaa sidoo kale isla fahmay shaqsiyaadka loo magacaabi lahaa Seddexda Guddoomiye ku xigeen ee arrimaha Siyaasada, Bulshada iyo maamulka iyo Maaliyada.
Xil ka qaadista Guddoomiye ku xigeenada ayaa lagu waday in xil ka qaadistooda la raaciyo Boorsaani, balse waxa ay u dib dhacday cilad farsamo.
Warar hoose ayaa sheegaya in Guddoomiye ku-xigeenka Gobolka loo wado Haweeney oo markii ugu horeysay qaban doonta xilkaasi.
Labada Guddoomiye ku-xigeen ee harsan ayaa iyaguna la sheegay in xilka laga qaadi doono isla markaana lagu bedeli doono beelo ka duwan kuwa ay kasoo kala jeedan.
Seddexda Guddoomiye ku-xigeen ayaa xilka hayay muddo farabadan waxaana lagu tilmaamaa inay yihiin kuwa keliya ee aan lagu sameyn isbedelka balse iminka ay ishu qabatay.
Si kastaba ha ahaatee, Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa wali ku guda jira xil ka qaadista iyo magacaabida, waxa uuna qorshihiisu yahay Dowlad cusub iyo Mas’uuliyiin cusub.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

