Sen. Geelle oo ka digay in madaxweyne mucaarad ah loo doorto Galmudug

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Sanator Yuusuf Geelle Ugaas oo ka tirsan Golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa ka hadlay xaaladda guud ee Galmudug iyo dadaallada ka socda Dhuusamareeb ee loogu jiro dhismaha maamul loo dhan yahay.

Senator Geelle ayaa sheegay in Galmudug ay ka soo daashay khilaafaad, loona baahan yahay in laga gudbo is jiid jiidkii hore ee lugaha qabtay horumaka maamulkaasi.

Sidoo kale wuuxuu tilmaamay in ka xildhibaano ahaan ay waayeen fursad ay uga shaqeeyaan deegaanada dowlad goboleedka Galmudug, isagoo sababta ku sheegay khilaafka madaxda maamulkaasi kala dhexeeyey kuwa dowladda federaalka Soomaaliya.

Sanotor Yuusuf Geelle Ugaas oo hadalkiisa sii wata ayaa ka dalbaday xildhibaanada cusub inay u is taagaan badbaadinta Galmudug, wuxuuna uga digay inay doortaan Madaxweyne mucaarad ah, isaga oo carabka ku dhuftay inay muhiim tahay in la helo madax la shaqeyn karta dowladda dhexe, islamarkaana samata bixin karta Galmudug.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in Galmudug ay hadda joogto meel wanaagsan, loona baahan yahay in horay loo sii socdo.

Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo haatan meel xasaasi ah uu marayo dhismaha Galmudug, islamarkaana uu soo shaac baxay khilaaf u dhexeeya dowladda iyo madaxweyne, Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) oo olole ka wada magaalada Gaalkacyo.

Halkaan hoose ka dhageyso Codka.