Senataro beeniyey arrintii uu shaaciyey Cabdi Xaashi ee xeerka doorashada + Video

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah senatorrada Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa waxba jama jiraan ku tilmaamay hadalkii ka soo yeeray guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullahi, kaas oo ahaa xildhibaanada golaha shacabka la hor geeyay afar xeer oo aan aheyn kii ay isla soo diyaariyeen guddiyada wadajirka ah ee laba Aqal, kuwaas oo durbaba laba ka mid ah la meel mariyay.

Afarta Xeer ayaa laba ka mid ah ay ansixiyeen Xildhibaanada golaha shacabka waxayna kala yihiin xeerka qoondada haweenka iyo xeerka asteynta kuraasta goballada waqooyi, waxayna labadii maalin ee u dambeysay ka doodayeen kii seddaxaad oo ah xeerka metelaada gobolka Banaadir.

Senatorradan beeninaya hadalka guddoomiye Cabdi Xaashi oo siyaasiyiin badan ay ku xagliyeen inay gadaal ka riixeyso Villa Somalia ayaa waxaa hor boodaya Senator Jawaahir Axmed Cilmi, Senator Ayuub Ismaaciil Yuusuf iyo waxaana qeyb ka ah kuwo kale.

Senator Jawaahir Axmed Cilmi oo ah guddoomiye ku xigeenka guddiyada wadajirka ah ee labada Aqal u qaabilsanaa soo diyaarinta xeerarkaas ay doodu ka dhalatay ayaa shirkaas jaraa’id ka sheegtay in xeerarka la horgeeyay golaha shacabka ay yihiin kuwii saxda ahaa oo muddo laba bilood ka badan ay ku jireen diyaarintooda.

Senator Jawaahir ayaa sidoo kale sheegtay in dad dano gaar ah leh ay soo direen warqaddii kasoo baxay xafiiska Guddoomiye Cabdi Xaashi, isla markaana aysan la qabin warqadaas Guddoomiyaha.

Dhankiisa Senator Ayuub Ismaaciil oo goobta ka hadlay waxaa uu sheegay in sharciga doorashooyinka xeerarka kaabaya ay yihiin kuwa sharci ah, maadaama guddoonnada labada Aqal ee baarlamaanka ay si wadajir ah umagacaabeen guddiyada isku dhafka ah ee soo diyaarinta xeerarkan afarta ah oo hoos imaanaya sharciga doorashooyinka Qaranka.

Sidoo kale Sanator Ayuub ayaa sheegay in guddoomiye Cabdi Xaashi aysan inta badan senatorada Aqalka Sare la qabin warqadii uu soo saaray, waxuuna ku tilmaamay qorshe lagu duminayo golaha Aqalka Sare.

Senatorradan Muqdisho ku qabtay shirka jaraa’id ayaa ka mideysnaa kelmadda ah in Guddoomiyahooda Cabdi Xaashi uu jebiyay xeer hoosaadka golaha iyo dastuurka dalka.

Guddoomiyaha golaha aqalka sare, Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa maanta shaaca ka qaaday in nuqulka afarta xeer ee dhameystirka doorashooyinka ee la horgeeyey golaha shacabka uusan ahayn kii lagu heshiiyey ee loo soo gudbiyey guddoonka labada Aqal, kadib war-saxaafadeed ka soo baxay xaafiiskiisa.

Hoos ka daawo Senatarada