Buugga Bolton oo kashifay qorshihii weerarka Iran iyo tallaabo cajiib ah oo uu qaaday Jared Kushner

Washigtnon (Caasimada Online) – La-taliyihii hore amniga qaranka Mareykanka John Bolton ayaa sheegay in Madaxweyne Donald Trump uu isu diyaariyay in uu Israel ku taageero duqayn ka dhan ah Iran, sida uu ku sheegay Book cusub oo uu ku magacaabay The Room Where It Happened.

“Arrinta Iran, waxaan ku dooday in uu horay ugu socdo ka bixitaanka heshiiska Nuclear-ka, waxaan sharaxay sababta in awood loo adeegsado barnaamijka nuclear-ka Iran ay u noqon karta xalka keliya,” ayuu Bolton ku qoray buugiisa.

Inkastoo Bolton uusan sheegin awood ay isticmaaleyso Israel, Trump ayaa ku jawaabay in uu taageeri lahaa Ra’iisul Wasaare Natanyahu,  hadii uu weerar qaadayo.

“U sheeg Bibi [Netanyahu], hadii uu awood adeegsanayo, waan taageeri doonaa. Waan u sheegay anigu, laakiin adna mar kale u sheeg,” ayuu Trump yiri, sida uu qoray Bolton.

Bolton waxaa uu sidoo kale xusay in October 2018-kii, kulan ka dhacay Kremilin-ka, uu madaxweynaha Ruushka Vlaimir Putin shaki geliyay awoodda ay Israel u leedahay in ay ku weerarto Iran.

“Wuxuu yiri ‘Israel keligeed ma qaadi karto tallaabo militerI oo ka dhan ah Iran, sababtoo ah  ma heysato awood ku filan, gaar ahaan haddii Carabtu ay istaagaan dhabarka Iran, taas oo aan suurta gal ahayn’” ayuu qoray Bolton.

Kushner oo xanibay in lasoo waco Trump

Bolton waxaa uu sidoo kale hoosta ka xariiqay dhacdooyin ka dhacay shirkii G7 ee sanadkii lasoo dhaafay, halkaas oo wasiirka arrimaha dibadda ee Iran Mohammad Javad Zarif uu ku tagay booqasho lama filaan ah, si uu ula kulmo Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron.

La-taliyihii hore ee amniga qaranka waxaa uu xusay in isaga iyo Netanyahu ay kasoo horjeedeen booqashada, wiilka uu sodoga u yahay Trump ahna la-taliyihiisa ee Jared Kushner uusan diidaneyn.

Bolton waxaa uu qoray in Kushner uu hor-istaagay telefoon Ra’iisul wasaaraha Israel u diray Trump si uu ugu qanciyo in Madaxweynuhu uusan la kulmin Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran.

“Meesha uu degenaa Trump, waxaan ku arkay Mulvaney oo ahaa sii hayihii hore ee madaxa shaqaalaha Aqalka Cad iyo Kushner. Kushner waxaa uu la hadlayay David Friedman oo ah safiirka Maraykanka ee Israel, waxaana uu u sheegayey in uusan dooneyn in Natenyahu uu la hadlo Trump.”

“Markii uu teleefanka damiyay, Kushner waxaa uu sharaxay in sababta wicitaanka Netanyahu uu u joojiyay ay tahay in aysan ku habooneyn in hoggaamiye shisheeye uu Trump kala hadlo wax ku saabsan cidda uu la hadlayo.”

Inkastoo Trump uusan la kulmin Zarif, hadana Bolton waxaa uu ka walaacsanaa in Kushner iyo Xoghayaha Maaliyadda Steven Mnuchin ay la kulmeen Zarif, isagoo intaas ku daray “warqadaan waxa ay muujineyso waa wixii aan rumeysnaa in ay ka warwareen saraakiil sare oo Israel u dhashay.”

Bolton waxaa uu mar dambe buuggiisa ku qoray in Trump doonayey in uu la kulmo Zarif iyo kuwo kale oo ay ka mid yihiin Madaxweynaha Iran Xasan Ruuxaani iyo Putin-ka Ruushka.