Senataro Mareykan ah oo soo saaray sharci taariikhi u ah Somaliland – Maxaa la amray?

Washington (Caasimada Online) – Senataro sare oo ka tirsan Congress-ka Mareykanka ayaa soo saaray sharci muhiim ah, oo isbeddel weyn ku sameyn kara habka Mareykanka ula macaamilo Somaliland, kadib booqasho uu madaxweyne Muuse Biixi ku tegay Washington.

Senatorada kala ah Chris Van Hollen (D-Md), Jim Risch (R-Idaho) iyo Mike Rounds (R-SD.) oo ka tirsan guddiga arrimaha dibedda ee Senate-ka ayaa soo saaray sharci loogu magac daray Somaliland Partnership Act (Xeerka Saaxiibtinimada Somaliland), kaasi oo Waaxad Arrimaha Dibedda Mareykana ku amraya inay Congress-ka warbixin ka siiso la-macaamilka Somaliland.

Wuxuu sidoo kale farayaa, in ayada oo la-tashi la sameyneysa Waaxda Gaashaandhigga, inay darsaan aas-aaska xiriir toos ah oo dhex mara Mareykanka iyo Somaliland. 

“Mareykana wuxuu sii wadaa inuu saaxiib aan la loodin karin u ahaado shacabka Soomaaliyeed iyo dowladdooda, hase yeeshee maamulka Bdein wuxuu isku xadiday ‘siyaasadda kaliga ah ee Soomaaliya’ taasi oo waxyeelo ku ah jilayaasha kale ee dimoqraadiyadda ee dalka,” ayuu yiri Senator Risch.

““Waqtigan adag ee arrimaha caalamka iyo Geeska Afrika, Maraykanku waa inuu sahamiyaa dhammaan xiriirada faa’iidadau leh labada dhinacba oo uu la yeesho saaxiibada dimoqraadiga ee xasilloon, sida Somaliland oo kale, oo aynaan isku koobin habab siyaasadeed duugoobay iyo qaab-dhismeed diblomaasiyadeed oo aan ku habboonayn inuu la jaanqaado caqabadaha maanta jira.”

Senator Van Hollen ayaa isna sheegay in ayada oo geeska Afrika uu wajahayo dhacdooyin sii kordhaya oo xasillooni darro, ay danta Mareykanka ku jirto inuu xoojiyo la shaqeynta kuwa gobolka ku sugan ee qiimeeya nidamka dimoqraadiga ah iyo xoriyadaha aas-aasiga ah.

“Muddo tobannaan sano, Somaliland waxay isu caddaysay inay tahay deegaan xasiloon iyo dimoqraadiyad kobceysa, xilli ay ku ku dhex jirto bad colaadeed. Taasi waa sababta kordhinta fursadaha la-macaamilka Mareykanka ee Somaliland ay macno u leedahay. Sharcigeena wuxuu gacan ka gaysan doonaa in la xaqiijiyo in Mareykanka uu sahmiyo fursado intan ka ballaaran oo faa’iido u leh xiriirka labada dhinac,” ayuu yiri Van Hollen.

Sharcigan ayaa u baahan in la horgeeyo guddi hoosaadka arrimaha dibedda Senate-ka, marka uu ansixiyana sidoo kale la horgeeyo Aqalka Senate-ka oo idil si uu sharci uga noqdo Senate-ka.