Lafta-gareen oo tallaabadii ugu horreysay u qaaday dib u doorashada FARMAAJO – Maxaa ka dhacaya Baydhaba?

Baydhaba (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Lafta-gareen ayaa kulan isugu yeeray xildhibaanada golaha shacabka iyo kuwa Aqalka Sare ee laga soo doortay deegaanada maamulkiisa, sida ay ogaatay Caasimada Online. 

Sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u xaqiijiyeen Caasimada Online, kulanka ayaa la filayaa inuu 20-ka bishan Maarso ka dhaco magaalada Baydhaba ee xarunta ku-meel gaarka ah ee Koonfur Galbeed.

Xogta aan helnay ayaa intaas ku dareysa in ujeedka kulankan uu yahay wadatashi ku saabsan jiheynta doorashada dalka iyo sidii xildhibaanada maamulkaas ay codkooda u mideyn lahaayeen, taasi oo miisana culus ku yeelan karta doorashada madaxweynaha iyo tan golaha shacabka.

Ilo-wareedyada aan la hadalnay ayaa rumeysan in Madaxweyne Lafta-gareen uu xildhibaanada kala hadli doono dib u doorashada madaxweyne Farmaajo, oo xulufo ay yihiin. 

Madaxweyne Lafta-gareen ayaa sidoo kale doonaya inuu xaqiijiyo in qof isaga ku xiran uu kusoo baxo guddoomiyaha golaha shacabka, oo la filayo inuu ka yimaado beelaha Digil iyo Mirifle, waxaana la sheegay inuu arrintaas kala hadli doono xildhibaanada.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya inay suurta-gal tahay in Farmaajo naftisia uu tago Baydhaba. Balse xubno ka tirsan Villa Somalia oo aan wax ka weydiinayey waa ay xaqiijin waayeen warkan.

Kulanka dhacaya 20-ka bisha ayaa ka madax banaan mid kale oo la qorsheeyey inuu dhaco 25-ka bisha, kaasi oo qorshuhu yahay inay isugu yimaadaan xildhibaanada beelaha Dir, Digil iyo Mirifle, oo doonaya inay sameystaan isbaheysi siyaasadeed oo wax looga beddelayo hanaanka awood qeybisa xilalka sare ee dalka.

Si kastaba, kulankaas ayaa waxaa hadda hareeyey shaki badan, mana cadda inuu dhici doono iyo in kale, kadib markii laga war helay in laga weeciyey jidkiisa. 

Xildhibaan Maxamed Cabdi Maareeye, oo ka mid ah xildhibaanada beesha Dir ayaa shaaciyey in kulankii Baydhaba ee 25-ka Maarso loo weeciyey mid olole loogu sameynayo madaxweyne Farmaajo, taasina aysan aqbali doonin.