Meydka Senator Gaagaab oo la keenay Muqdisho kadibna loo sii gudbiyay…

Muqdisho (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee waxaa maanta magaalada Muqdisho la keenay maydka Senator Maxamed Cali Yuusuf (Gaagaab) oo dhawaan ku geeriyooday dalka Turkiga, iyadoo loo sii gudbinayo isla maanta magaalada Garoowe.

Xubno ka tirsan labada gole ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa saaka ka qeyb-galay tukashada salaatul janaasa marxuumka, ayaga oo Alle uga baryay inuu ka waraabiyo Janatu-fardowsa.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Amb. Fiqi oo ka hadlay dukashada salaatu-janaasada kadib ayaa Senator-ka ku sifeeyay qof qiimo leh oo wanaag badan lagu yaqaanay intii uu noola.

”Senator Gaagaab waxaa uu ahaa qof qiimo badan oo wanaag lagu yaqaan,” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi.

Sidoo kale gudoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi oo isna hadal kooban jeediyay ayaa waxa uu yiri “Senator Gaagaab waxaa uu ahaaa wadani dalkiisa iyo dadkiisa jecel muddo dheerna u soo shaqeeyey”.

Dhammaan xubnaha labada gole waxa ay marxuumka Alle uga baryeen inuu ka waraabiyo Janatul-fardowsa, iyagoo umadda Soomaaliyeed iyo saaxiibadii iyo qaraabadii uu ka baxayna u rajeeyay samir iyo iimaan

Allaha u naxariistee marxuum Maxamed Cali Yuusuf (Gaagaab) waxa uu ahaa xubin ka tirsan golaha aqalka sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isagoo hore u soo noqday madaxweyne ku-xigeenka dowlad-goboleedka Puntland.