Senator JAWAAHIR oo ku geeriyootay MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) – Allaha u naxariiste waxaa goordhoweyd magaalada Muqdisho ku geeriyootay Senator Jawaahir Axmed Cilmi oo kamid aheyd Baarlamaankii 10-aad ee dalka.

Senatorada ayaa muddooyinkii dambe ku xanuusneyd magaalada Muqdisho, ayada oo ugu dambeyntii uu Ilaahay ku oofsaday Isbitaal ay ugu jirtay xaalada caafimaad.

Allaha u naxariiste waxay kasoo mid noqotay Golihii hore ee Aqalka Sare ee Soomaaliya, waxayna aheyd Senator fir-fircoon oo laga soo doorto maamulka Galmudug.

Jawaahir ayaa waxa si weyn loogu xasuusta doorkii ay ka qaadatay dib-u-dhiska maamulka Galmudug iyo dadaaladii nabadeed ee lagu joojinayay colaado ka socday maamulkaas, ka hor inta uusan utartanka kursigeeda ka reebin madaxweyne Qoor-Qoor.

Geerida Senatorada Jawaahir ayaa waxa durtaba ka tacsiyeeyay siyaasiyiin dhowr ah oo ay kamid yihiin Xildhibaan Cabdiraxmaan Odowaa iyo Axmed Macalin Fiqi.

“Waxaan u tacsiyaynayaa dhamaan reer Axmed Cilmi geerida xanuunka badan ee ku timid walaasheen Senator Jawaahir Axmed Cilmi. Waxaan Allaah uga baryayaa inuu naxariistiisi Janno ka waraabiyo. Ehalkana Sabar iyo imaan ka siiyo,” ayuu yiri Xildhibaan Odowaa.

Sidoo kale Fiqi ayaa yiri: “Allaha u raxmado walaashey Senator Jawaahir Axmed Cilmi, ehelada iyo qaraabadana sabir iyo iimaan Allaha naga wada siiyo.”