Muqdisho (Caasimada Online) – Senator Maryan Faarax Kaahiye oo ka tirsan golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa soo saartay qoraal ay ku dhaliishay go’aanka uu Madaxweyne Xasan Sheekh tartanka kursiga guddoomiyaha Midowga Afrika uu uga reebayo Xildhibaan Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan.
Senator Maryan ayaa la yaab ku tilmaantay go’aanka xukuumadda Xasan Sheekh ay gabadhii labaad tartan doorasho oo heer caalami ah ay uga reebeyso, iyadoo aan la shaacin wax qaranku ku bedeshay qadiyadahaas.
“Runtii waa ayaan darro in xaqa Soomaaliya lagu beddasho wax aan muuqan una qalmin ummaaddeena iyo maamuuska guud ee Qaranka,” ayey qoraalkeeda ku tiri Senator Maryan.
Hoos ka akhriso qoraalka Senator Maryan oo dhameystiran:
TAARIIKH MUGDI AH OO CAAWA DUL HOGANEYSA HOGGAANKA SARE EE JFS.
Waxa keliya ee aan sheegayo amase aan halkan Xildhibaan Fawzia Yusuf Adam
ugu soo gudbinayo ayaa ah in aan habeyn iyo maalin u taagnahay Taageeridda Go’aankeeda sharafta leh.
Xildhibaan Fowsiya waxay mudnayd lama marsiin; waxay mudnayd garab iyo gaashaan in Hoggaanka sare ee dalku u noqdo; waxay mudnayd in maanta lagu taageero hanashada Jagada ugu saraysa ee Midowga Afrika (AU).
Runtii waa ayaan darro in xaqa Soomaaliya lagu beddasho wax aan muuqan una qalmin ummaaddeena iyo maamuuska guud ee Qaranka.
Sannad gudihi, waa markii 2-aad ee Xildhibaan Soomaaliyeed oo tartan ugu jira jago sare oo Midowga Afrika laga reebo!
Waxaa yaab iyo amakaag ah, in sannad gudihi, Madaxweyne Xasan uu tartanka ka reebo laba(2) Xildhibaan (Xildhibaan Fowsiyo iyo Xildhibaan Marwo) oo weliba hormuud u ah hablaha Soomaaliyeed dal iyo dibedba.
Gunaanadkii, waxaan mar 2-aad bogaadinayaa go’aanka walaashay Xildhibaan Fowsiyo, anigoo u rajeynaya guul iyo in ay halganka halkaas kasii waddo.