Shabaab hubka ku kala gudbin jiray Bajaaj oo maanta la xakumay

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxakmadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta xukun ku riday Maxamed Farxaan Bashiir Khamiis oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, islamarkaana ahaa wade Mooto Bajaaj oo xubnaha kooxda ugu kala gudbin jiray hubka noocyadiisa kala duwan.

Maxamed Farxaan ayaa kooxda Al-Shabaab waxa uu kaga biiray Xamar bishii lixaad ee sanadkii hore, waxaana ku tashkiiliyay ku biirista kooxda saaxiibkiisa, sida ay sheegtay maxkamadda ciidamada qalabka sida.

Ninkan ayaa waxa uu tababar saddex maalin socday ku soo qaatay degmada Kuntuwaareey, waxaana la soo baray isticmaalka Hubka sida AK47, RBG, Bastoolad iyo Bambo F1.

Maxamed Farxaan ayaa horjoogihiisii amar ku siiyay in uu ku soo laabto Xamar, kadibna waxaa lagu xiray haweeney lagu magacaabo Faa’isa Cali Maxamed waxa ayna u iibisay Mooto Bajaaj celis ah oo laga siiyay lacag dhan 2550$, sida ay warbaahinta dowladda kasoo xigatay maxkamadda ciidamada qalabka sida.

Ninkan hubka Mooto Bajaaj ugu kala gudbin jiray xubnaha kooxda ayaa la sheegay in uu mudo 5 bilood ah mushaar ahaan u qaadan jiray 80$ bishii.

“Maxamed ayaa xaafadda Macaani ee duleedka Muqdisho ka soo qaaday qori Ak47 ah iyo rasaastiisa oo ay u soo dhiibtay haweeneey, waxa uuna ku wareejiyay marwo kale oo joogatay Suuqa Xoolaha. Markale ayuu 2 qori Ak47 ah iyo RBG kaso qaaday darbiga COCA-COLA ee Dagmada Yaqshiid , waxa uuna geeyay Meel u dhaw saldhiga Dagmada Kaaraan, waxa halkaas ugu yimid Laba nin ka dibna waxa ay bilaabeen in ay la dagaan hubkii saarnaa mootada si ay u rakibtaan.”

“Inta ay shaqadaas wadeen ayaa waxaa ka fakaday hal baalooto oo Saban ah waxaa halkaas ku geeriyooday mid ka mid ah maleeshiyada halka midkii kalana uu ka baxsaday gacanta ciidamada,” ayuu yiri xafiiska xeer ilaalinta ciidamada.

Maxamed Farxaan Bashiir ayaa waxa uu laamaha amaanka usoo gacan galay daba-yaqaada sanadkii hore ee 2022-ka, muddo uu baxsad ka ahaa cadaalada, sida ay sheegtay maxkamadda ciidamada qalabka sida, “ciidamada amniga ayaa gacanta ku soo dhigay Maxamed Farxaan oo isna baxsad ahaa Sideed iyo tobankii bishii December 2022.”

Baaris dheer kedib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada ayaa codsaday qaadista kiiska Maxamed Farxaan, waxaana laga ogolaaday 19-kii March ee sanadkaan.

Garsoorka Maxkamadda Ciidamada oo waqti ku filan siisay dhinacyada dacwadda ayaa ugu danbeyn maanta go’aan ka soo saaray kiiska Maxamed Farxaan Bashiir Khamiis, waxa ayna ku xukuntay 15 sano oo xabsi ciidan ah, sida uu warbaahinta u sheegay Garsoore Gaashaanle Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan maxkamadda darajada 1-aad ee ciidamada qalabka sida.