Faah-faahin hordhac ah oo laga helayo qarax ka dhacay magaalada Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahino hordhac ah ayaa laga helaya qarax goordhoweyd ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan Isgoyska KM-4 oo ay ku yaallaan goobo ganacsi oo waaweyn iyo xarumo dowladeed.

Qaraxa oo jugtiisa laga maqlay meelo kamid ah magaalada Muqdisho ayaa waxaa kasoo baxaya warar kala duwan, waxaana la sheegaya in uu qabsaday mid kamid ah gaadiid Kolonyo ah oo ciidamada ATMIS ay leeyihiin.

Kolonyada ciidamada ATMIS ayaa la sheegay inay ka yimaadeen dhanka Tarabuunka, islamarkaana ay kusii socdeen dhinaca Isgoyska Zoobe.

Qaraxan ayaa dhaliyay khasaare kala duwan, waxaana cirka isku shareeray qiiq iyo uuro uu dhaliyay.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in ciidamada ATMIS ay rasaas badan fureen kadib markii uu dhacay qaraxa, illaa haddana si rasmi ah looma oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxa iyo rasaasta ay fureen ciidamada.

Waxaa gebi ahaanba hadda xiran waddooyinka soo gala Isgoyska KM-4, waxaana hakad ku jira isku socodka dadka iyo gaadiidka

Wixii kasoo kordha kala soco Caasimada Online