QM oo qaaday tallaabo ka dhan ah Somaliland oo la xiriirta SSC

Hargeysa (Caasimada Online) – Hay’addaha Qaramada Midoobay ayaa bilaabay in gargaarka gobollada SSC oo horey loo marsiin jiray dhinaca Somaliland ay usoo wareejiyaan dhinaca Puntland, xilli ay sii xoogeysatay xiisadda dagaal ee xukuumadda Somaliland iyo SSC.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, arrintaan ayaa timid kadib markii tirakoob la sameeyay ay soo baxday in dadkii ka baracay colaadda Laascaanood ay badi ku sugan yihiin Garoowe iyo deegaanada hoosyimaada gobolka Sool oo ay gacanta ku hayso SSC, oo iyadu diiday in dadkeeda gargaarka loo soo marsiiyo Somaliland.

Hay’adda UNICEF ee QM ayaa shalay saddex gaari oo xamuul ah oo waday gargaar iskugu jira daawo iyo qalabka nadaafadda geysay magaalada Garoowe, si loo sii gaarsiiyo xarumaha caafimaadka ee bulshooyinka kasoo barakacay dagaalka Laascaanood.

Garaadada SSC ayaa la sheegay inay ka gil-gisheen in mucaawinooyinka beesha caalamka iyo deeqaha kale ee loogu tala-galay dadkooda loo soo wareejiyo dhinaca SSC, oo aan loo soo marin Somaliland, oo iyadu weli diidan in gobolllada SSC ay gacanteeda ka baxaan.

Somaliland ayaa culeys badan ka wajaheysa caalamka tan iyo markii uu billowday dagaalka, iyada oo dhawaan uu Mareykanka uu luuqad adag kula hadlay xukuumadda Somaliland, oo lagu eedeeyay inay Laascaanood ka geysatay duqeymo aan loo meel dayin.

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in dagaalka Laascaanood uu cawaaqib uga iman karo mas’uuliyiinta maamulka Somaliland, ayada oo ugu baaqday Somaliland inay ciidamadeeda kala soo baxdo magaalada.

“Dowladda Mareykanka waxay aad uga walaacsan tahay rabshadaha weli ka socda Laascaanood, waxayna saaxiibadeeda caalamka iyo deriska kula biireysaa baaqa ku aadan in xiisadda la qaboojiyo, loo hoggaansamo xabad-joojinta la isku raacay, la ogolaado gargaarka bani’aadannimo, islamarkaana dib loo billaabo wada-hadallo wax ku ool ah oo ku wajahan xal nabadeed,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay Waaxda Arrimaha Dibedda.

Mareykanka ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in rabshadaha sii socda ay kordhin doonaan suurta-galnimada ah in kooxaha xagjirka ah ay abuuraan xasillooni darro ballaaran, oo uga sii dari doonta dhibaatada bani’aadannimo ee hadda jirta.

Si kastaba, Somaliland ayaa ku andacooneysa in caalamka uu rumeystay haddalada iyo dhawaaqyada kasoo yeeray dhinacyada kasoo horjeeda ee Puntland iyo SSC, oo iyagu laadii bilood ee dagaalka socday weerar ku ahaa ciidamada Somaliland, oo ay sheegtay inay ku koobnaayeen is-difaac.