Dacwadda Donald Trump: Maxaa maanta dhacaya?

New York (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump ayaa la filayaa inuu maanta kasoo duulo Florida oo uu yimaado New York, halkaasi oo uu ku wajahayo dacwad dambiyeed.

Trump ayaa lagu soo oogay dacwad la xiriirta lacag aamusin ah oo la siiyey gabar sameysa aflaanta galmada, kahor doorashadii 2016.

Trump, oo ah madaxweyne hore oo Mareykan ah kii ugu horreeyey ee wajaha dacwado dambi, ayaa Talaadada hortagaya maxkamadda Manhattan kadib marka faro iyo sawirro laga qaado, xilli aad loo adkeeyey ammaanka.

Qareenada Trump ayaa sheegay inuusan dambi qiran doonin. Eedaha ku jira dacwadda ay xeer-beegtida kusoo oogtay Trump ayaan weli la caddeyn, balse la shaacin doonaa Talaadada.

Sarkaal ka tirsan maxkamadda Manhattan ayaa sheegay in Trump uu maxkamadda hor iman doono 2:15pm Talaaada. Trump ayaa kadib ku laaban doona Florida, wuxuuna hadal ka jeedin doonaa Mar-a-Lago abaare 8:15 p.m Talaadada.

Booliska New York ayaa dhammaadkii toddobaadka billaabay inay jidgooyooyin ka sameeyeen agga sarta Trump Tower iyo Maxkamadda Dambiyada ee Manhattan.

Waxaa la filayaa inay halkaas ka dhacaan dibad-baxyo, waxaana booliska ay wacad ku mareen inay diyaar u noqon doonaan.

“Saraakiisha waxaa la geliyey heegan, islamarkaana waaxda waxay diyaar u tahay inay u jawaabto sida loogu baahdo, waxayna xaqiijin doontaa in qof kasta uu si nabad ah u adeegsado xuquuqdiisa,” waxaa sidaa bayaan ku tiri Waaxda Booliska New York.

Kahor inta aan dacwadda lasoo oogin, xeer-beegtida ayaa maqashay caddeymo la xiriira lacag $130,000 oo la siyey Stormy Daniel, oo jisha aflaanta galmada, intii lagu guda jiray ololihii doorashada 2016.

Daniels ayaa sheegtay in lacagta loo siiyey inaysan ka hadlin xiriir galmo oo ay Trump kula sameysay Hotelka Lake Tahoe sanadkii 2006. Trump waa uu beeniyey inuu xiriir jiray.

Trump oo 76 jir ah ayaa madaxweyne soo noqday 2017 illaa 2021, wuxuuna bishii November billaabay isku day uu dib ugu laabanayo Aqalka Cad 2024.

Dacwadda Trump ayaa ka dhalatay baaritaan uu sameeyey xeer-ilaaliyaha degmada Manhattan, Alvin Bragg oo ka tirsan Xisbiga Dimoqraadiga
Trump ayaa sheegay inuusan dambi gelin, waxaana xulufadiisa ay dacwadaha ugu yeereen kuwo siyaasado ay dhiiri-geliyeen.

Reuters, VOA