SSC oo war lama filaan ah kasoo saartay magacaabista Cabdikariin GUULEED

Laascaanood (Caasimada Online) – Isimada dhaqanka ee SSC ayaa ka hadlay magacaabista Cabdikariin Xuseen Guuleed oo haatan noqday ergeyga arrimaha Somaliland, kadib markii uu maalin kahor u magacaabay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

SSC ayaa marka hore shaacisay inay soo dhaweyneyso magacaabista Cabdikariin Xuseen Guuleed oo horay uga soo shaqeeyay wada-hadallada Soomaaliya iyo Somaliland, balse waxa ay isamadu sheegeen in arrintan aysan quseyn xiisadda magaalada Laascaanood.

Mid kamid ah ismida dhaqanka ee SSC oo lagu magacaabo Garaad Saleebaan ayaa xusay in dhankooda aysan wax shaqo ku laheyn wadahadaladaasi, balse ay guul u rajeynayaan.

“Annagu wada-hadaladaas nama quseeyaan. Wixii Soomaali weyn ka tahay baynu ka nahay, waanse jecelnahay in wada hadaladaas ay miro dhalaan oo Soomaali midowdo, iskuna soo noqoto,” ayuu yiri Garaad Saleebaan oo u hadlay SSC.

Sido kale wuxuu intaasi ku daray in iyagu ay doonayaan sidii ay uga sii mid ahaan lahaayeen Soomaaliya, si ay dadkooda iyo walaalahooda wax ula qaybsadaan.

“Waxaan u dhimanaynaa oo dhulkeenna loo burburinayaa inala go’a”, innaguna waxaan leenahay “idinla go’imayno”,” ayuu markale yiri Garaad Saleebaan.

Dhankiisa waxaa horay magacaabista Cabdikariin Xusee Guuleed horay usoo dhaweeyay madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabid, isaga oo ku tilmaamay tallaabo wanaagsan oo horay loogu qaaday dhanka wadahadallada Soomaaliya iyo Somaliland.

Shalay waatii la magacaabay Ergayga arrinta shirka u qaban-qaabinaya Dowladda Federaalka, arrintaan waxa aan u aragnaa tallaabo dhanka wanaagsan loo qaaday, Ninkaas loo magacaabay mid aqoon badan u leh siyaasadda, anagana waan soo dhaweyneynaa” ayuu yiri madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Si kastaba, Cabdikariin Guuleed xiligii uu ahaa wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya ay si degan oo la rajeynayey in laga mira-dhaliyo ay ku socdeen wadahadaladii Soomaaliya iyo Somaliland oo hakaday markii ay xukunka wareejiyeen Xasan Sheekh iyo xulufadiisii xiligaas.