Shabaab oo isku dayey inay qaraxyo culus soo geliyaan Xamar – Kadib maxaa dhacay?

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka ee NISA ayaa fashiliyay isku-day ay kooxda Al-Shabaab ku dooneysay inay qaraxyo culus kusoo geliso magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Ciidanka NISA oo howlgallo qorsheysan ka fuliyay duleedka degmada Dayniile ee gobolka Banaadir, ayaa gacanta kusoo dhigay xubno ka tirsan Shabaab, kuwaas oo ku howlan in ay qaraxyo soo galiyaan magaalada Muqdisho.

Howlgalka oo shalay galab dhacay ayaa lagu qabtay labo dhagar-qabe oo lagu kala magacaabo; Nuur Muxudiin Jabriil iyo Maxamed Cabdiraxmaan Maxamuud.

Raggan ayaa xilliga gacanta lagu dhigay ku howlanaa in ay soo geliyaan magaalada, 8 miino oo isugu jiray; 3 nooca soo booddada ah, 5 nooca dhejiska ah, iyo 2 bambo F1.

Sidoo kale, howlgal qorsheysan oo ciidamada NISA, ay ka sameeyeen degmada Dharkeynley waxa ay kusoo qabteen dhagar-qabe lagu magacaabo Cali Maxamed Cabdi.

Ninkan ayaa kooxda Al-Shabaab dhexdeeda looga yaqaanay Macruuf iyo Cali foowdo, kaas oo dhawaan ay kooxdu u soo direen magaalada Muqdisho si uu falal argagixiso uga fuliyo, kaddib markii Sirdoonka Qaranku uu horey ugu guuleystay in uu soo afjaro Shabakadihii Shabaabka ee qaabilsanaa dillalka iyo qaraxyada.

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka ee NISA, ayaa xoojiyay howl-gallada lagu baacsanayo horjoogeyaasha iyo maleeshiyada Al-Shabaab ee wali isku dayaya in ay maleegaan falalka argagixiso ee ka dhanka ah shacabka Soomaaliyeed.