Shabaab oo soo rogay amar lagu ciqaabayo dekedaha Puntland iyo Somaliland

Beledweyne (Caasimada Online) – Xarakada Al-Shabaab ayaa amar culus dul dhigay ganacsatada ku sugan suuqyada gobalka Hiiraan ee ka ganacsada xoolaha lo’da iyo ariga.

Xubno ka mid ah ganacsatada magaalada Beladweyne ee ariga ayaa Caasimada Online u sheegay in lagu wargeliyay in aysan xoolaha ay iibiyaan u qaadi karin dekadaha Puntland iyo Somaliland, ama ka iibin karin ganacsatada dekadahaas wax ka dhoofiya.

Haddii ay halkaas geeyaan si loo sii dhoofiyo ayaa loogu hanjabay in calaa neef laga qaadi doono $100, qofka wadana laga qaadi doono hal qori iyo boosh.

Sababta ugu weyn ee dekadaha Puntland iyo Somaliland looga joojiyay xoolaha gobalka Hiiraan ayaa lagu sheegay in Al-Shabaab ay dooneyso in xoolaha laga dhoofiyo dekadaha Muqdisho iyo Kismaayo.

Ma cadda sababta ay Al-Shabaab u door bideyso labada dekad, hase yeeshee dadka qaar ayaa ku macneeyey inay Al-Shabaab saameyn ku leedahay koonfurta, lacagna ay ka qaadato labadan dekad iyo ganacsatada isticmaala.

Ma cadda haddii sidoo kale amarkan la siiyey ama la siin doonaa ganacsatada kale ee xoolaha ee suuqyada kale ee koonfurta Soomaaliya, hase yeeshee Caasimada Online waxay xaqiijisay in amarkan la siiyey ganacsatada Beledweyne.