Maamulka Gobolka Banaadir oo soo saaray go’aan la xiriira dhaq-dhaqaaqyada dhulalka

Muqdisho (Caasimadda Online) – Maamulka gobolka Banaadir ayaa shaqo joojin ku sameeyay waaxda dhulka ee dowladda hoose kadib markii sida la sheegay uu soo galay tuhun ah la xiriira inay musuq-maasuq sameeyeen.

Go’aankan ayaa sidoo kale lagu joojiyey dhammaan gabi ahaanba dhaq-dhaqaaqyada dhulalka ee gobolka Banaadir.

Maamulka ayaa sheegay in cabashooyin badan ay ka yimaadeen waaxdan, taasina ay keentay in shaqadeeda la joojiyo, illaa laga eegayo cabashooyinkan.

Warqad kasoo baxday xafiiska gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho – Cumar Filish ayaa lagu sheegay in baaritaano lagu sameyn doono dhamaan xafiisyada waaxda dowladda hoose ee xamar.

Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir Saalax Xasan Cumar ayaa warbaahinta u akhriyay qoraalka kasoo baxay xafiiska gudoomiyaha gobolka Banaadir ee shaqada looga joojiyay waaxda dhulka.

Sidoo kale qoraalka warbaahinta loo akhriyay waxaa lagu sheegay in la sameyn doono guddi soo baara waxa ka jira cabashooyinka ay dadweynaha kasoo gudbiyeen waaxdaas.

Amarka kasoo baxay gudoomiyaha ayaa kusoo aadaya xilli muddooyinkii dambe uu batay is qab-qabsiga iyo dacwadaha la xiriira dhulka ku yaalla magaalada Muqdisho.