Dagaalkii Beled-Xaawo oo saameeyey gudaha Kenya iyo wararkii ugu dambeeyey

Mandhera (Caasimada Online) – Waxaa cabsi xoogan soo food saartay dadka ku nool magaalada Mandhera ee gobolka Waqooyi-Bari Kenya, xili ay sare u kacday xiisada soo noq-noqotay ee magaalada Beled-Xaawo oo 48-saac ee u dambeeyay ay ku dagaalameen dowladda iyo maamulka Jubbaland.

Dagaalka Beled-Xaawo ayaa dhaliyay khasaaro badan oo isugu jira mid nafeed iyo dhaawac, waana arrinta walaaca ku abuurtay dadka ku nool Mandhera, oo iyaga ka cabsi qaba in dagaalkaas uu usoo fido dhinacooda, maadama ay labada magaalo deris yihiin.

Billow Aadan Keerow oo ah senetor-kii ee magaalada Mandheer oo la hadlay idaacada BBC-da, ayaa sheegay in dagaalka Beled-Xaawo uu saameyn toos ah ku yeelanayo Mandheera, isaga oo cabsi ka muujiyay dhibaatada kasoo gaari karta dadka uu metelo.

“Mandheera iyo Beled Xaawo waxaa u dhexeeysaa waddo yar boqol mitir aan gaareyn, mar alaala markii lagu dagaallamo magaalada Beled Xaawo dhibaatooyin badan baa kasoo gaaraa dagaallada,” ayuu yiir Senator Billow.

Waxa uu intaas kusii daray “Ha ahaadaan dadka kasoo cararaya halkaas ama hubka iyo rasaasta la ridaya oo dhan baa magaalada Mandheera kusoo daadanaya.”

Xaalada degmada Beled-Xaaow ee gobolka Gedo ayaa lasoo sheegaya in maanta ay dagan tahay, kadib markii ay saacadihii la soo dhaafay ku dagaalameen ciidanka dowladda & kuwa ka amar qaata Wasiir Janan.

Degmada Beled-Xaawo ayaa hadda waxaa gacanta ku haya ciidamada Xoogga dalka, mana jiro wax rasaas ah oo saacadihii ugu dambeeyey laga maqlay gudaha magaaladaasi.

Saraakiiisha laamaha amniga ayaa sheegay in amniga uu yahay mid wanaagsan, islamarkaana la’isku haleyn karo.

Dadka deegaanka ayaa sidoo kale bilaabay inay dib ugu soo noqdaan guryahooda, kuwaas oo horey uga barakacay dagaalladii ka dhacay halkaasi.