Shabaabkii ugu badnaa oo dagaalka Bacaadweyn lagu laayey iyo wararkii ugu dambeeyey ee xaaladda

Bacaadweyn (Caasimadda Online) – Wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaaraya deegaanka Bacaadweyne ee Gobolka Mudug ayaa sheegaya in halkaas laga saaray maleeshiyadii ka tirsaneyd kooxda Al-Shabaab ee saaka aroortii hore soo weerartay gudaha magaalada iyo taliska qeybta 21-aad ee ciidamada xoogga.

Dagaalka oo muddo socday, islamarkaana ku billowday qaraxyo ayaa waxaa kooxda Al-Shabaab u suurta gashay inay gacanta ku dhigaan inta badan magaalada iyo saldhiggii ay daganaayeen ciidamada 21-aad ee xoogga dalka.

Sidoo kale Al-Shabaab ayaa gacanta ku dhigtay 4 gaari oo kuwa dagaalka ah oo laba kamid ah ay saarnaayeen qoriga suugga.

Saacado kadib waxaa magaalada iyo banaankeeda ka qarxay dagaal culus oo u dhaxeeyey dadka deegaanka Bacaadweyne, ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo isku dhinac ah iyo maleeshiyadii ka tirsaneyd Al-Shabaab taasoo keentay in ugu dambeyn laga adkaado Shabaabkii weerarka soo qaaday.

Sida ay dadka deegaanka ah u xaqiijiyeen shabakadda Caasimada Online, dagaalkii labaad ee ka qarxay magaalada ayaa waxaa lagu dilay ku dhawaad 25 ka tirsan Al-Shabaab-kii weerarka soo qaaday, waxaana dadka deegaanka u suurtagashay inay dib usoo celshaan laba kamid ah gawaaridii ay Maleeshiyada Al-Shabaab weerarkii koowaad ku qabsatay.

Sidoo kale, dad goobjoogayaal ah ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey in gacanta lagu dhigay 4 ka mid ah maleeshiyadii ka tirsaneyd Al-Shabaab ee weerarka soo qaaday oo 3 kamid ah ay yihiin dhaawac aad u daran.

Waxaa baraha bulshada lagu faafiyey sawirada dagaalamayaashii ka tirsanaa Al-Shabaab ee lagu laayey dagaalka iyo mid kamid ah kuwii gacanta lagu dhigay iyagoo nool oo la sheegay inuu ahaa horjoogihii Al-Shabaab ee dagaalka Maanta dhacay.

Dhanka kale, Al-Shabaab ayaa weerarka ay aroortii hore soo qaaday ku dishay illaa 6 askari oo ka tirsan ciidamada dowladda ee ku sugnaa gudaha saldhigga 21-aad, waxayna dadka deegaanka xaqiijiyeen in 4 kamid ah 6-da askari ee la dilay la gowracay.

Waxaa hadda dagan xaaladda magaalada Bacaadweyne, waxaana goobihii lagu dagaalamay dib u qabsaday ciidamada Dowladda Soomaaliya oo garab ka helayo ciidamo u abaabulan hab beeleed oo ku sugan gudaha Magaalada.

Weerarkaan ayaa wuxuu kusoo aadayo xilli Gobollada Mudug iyo Galmudug uu todobaadyadii lasoo dhaafay ka socday dhaq-dhaqaaqyo Ciidan oo ay kala sameynayeen Ciidamada DFS gaar ahaan qaybta 21-aad, askarta Galmudug & Al-Shabaab.

21-kii June 2020, Al-Shabaab ayaa weerar ay u adeegsatay gaari walxaha qarxa ay kusoo rartay ku weerartay xeradaan, balse taliska qaybta 21-aad ayaa sheegay xiligaas in uusan khasaare gaarsiin qaraxaas, isla markaana ciidamada ay toogteen wadaha.