Shabakad Soomaali ah oo ku lug leh arrimo halis ah oo lagu qabtay dalka Mozambique

Maputo (Caasimada Online) – Booliska dalka Mozambique ayaa magaalada Beira ku xiray shan qof oo Soomaali ah oo la tuhunsan yahay inay xubno ka yihiin shabakad afduub iyo ka ganacsiga daroogada.

Sida ay booliska ay sheegeen, shanta qof oo la xiray Arbacadii 22-ka June ayaa sitay dokumentiyo been abuur ah oo kala duwan. 

Dokumentiyada ayaa waxaa ku jiray lix baasaboor oo Kenyan ah, 13 kaararka codsigga magan-galyada dalka Mozambique ah, kaarar aqoonsi oo Kenyan ah iyo baasaboorada safarka Mozambique.  

Booliska ayaa sidoo kale baaraya shabakad rayid oo ku sugan dalka Mozambique, kuwaas oo la tuhunsan yahay inay fududeeyeen in Soomaalida ay soo galaan dalkaas, soona saaraan dokumentiyada, sida uu sheegay afhayeenka booliska Daniel Macuacua.

“Intii uu socday baaritaanka, waxaan ogaanay in Soomaalidan ay xiriir la leeyihiin qaar ka mid ah hay’adaha dowladda Mozambique, kuwaas oo ay u badan tahay inay u fufudeeyeen inay soo saaraan dokumentiyada,” ayuu yiri Macuacua.

Waaxda Socdaalka Mozambique, ayaa ka sokow xadgudubka xuduudeed ee ay sameeyeen, waxay sidoo kale walaac ka muujisay dhaq-dhaqaaqa sharci-darrada ah ee dadkan maadaama dalkaas uu la tacaalayo weeraro argagixiso. 

“Waa arrin walaac leh, sababtoo ah waxaan arkeynaa xaalad argagixiso,” waxaa sidaas yiri afhayeenka Waaxda Socdaalka Francisco Chambal.

Dalka Mozambqiue ayaa waxaa ka dagaalama oo weerar dhimasho leh ka fulisa koox lagu magacaabo Al-Shabaab, inkasta oo aysan wax xiriir la laheyn kooxda Al-Shabaab ee Soomaaliya.