Shabakado wax-dila oo ka dillaacay Somaliland

Hargeysa (Caasimada Online) ― Wasiirka Wasaaradda Xanaanadda Xoolaha iyo Kalluumaysiga Somaliland Xasan Gaafaadhi, oo maanta warbaahinta kula hadlayey xafiiskiisa ayaa sheegay inay jiraan Shabakado xulafo ah oo dhibaato weyn ku haya nabad-galyada Somaliland.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in kooxahani ay ka koobanyihiin dad badan oo la yaqaano iyo kuwa kale oo aan la aqoon.

Gaafaadhi ayaa waxa uu Kooxahani ku sheegay wuxuu ugu yeeray ‘Casaabado’, isagoona ka dhawaajiyey inay kamid yihiin kooxahaasi Madax-dhaqameed, Siyaasiyiin, Ganacsato iyo dad ajaanib ah.

Wasiirka ayaa ku eedeyay kooxahaasi inay ka dambeeyan xasarado badan oo amni-darro oo ka dhaca deeganada Somaliland.

Wasiir Gaafaadhi oo arrimaha ka hadlaya ayaa waxa uu yiri “Casaabado Abaabulan oo nooco badan isugu jira oo Cid walba leh, Madax-dhaqameed leh, shaqaale leh, Ganacsato leh, Dad ajaanib ah oo Shisheeya ah leh, ayaa dhibaato ku haya fulinta Sharciga Qaranka, masuulna ka ah Xasarado iyo dhibaatooyin badan oo dhaca”.

“Casaabadahaasi waa Casaabado dhibaato weyn ku haya nabadgalyada, waxay ka Ganacsadaa wuxuu isugu jiraa wax la yaqaano iyo waxaan la aqooninba”.

Wuxuuna intaas kusii daray “Waxaanu leenahay Dadkaa maanta iftiinkaa haya, wixii ay geysteena waxay ila tahay meel ay la tagaan in aanay jirin, siyaasiyiin baa ku jirta, markaa maaha wax la fudaydsan karo, Ciidanka Qaranka, Booliska iyo Xukuumadduba waxay diyaar u yihiin inay ka shaqeeyaan sidii ay Dadkaa u iftiimin lahaayeen ee ay Sharciga u horkeeni lahaayeen”.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com