Khilaaf ka dhashay xarigii xildhibaan DHAKOOL oo HARGEYSA ka taagan

Hargeysa (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Hargeysa ka taagan Khilaafka ka dhashay xariga ciidamada amaanka Somaliland ay u geysteen xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool oo kamid golaha wakiilada Somaliland.

Guddoomiyaha golaha wakiilada Somaliland Baashe Maxamed Faarax ayaa ka hor yimid xariga ciidamada Somaliland ay u geysteen xildhibaan Dhakool, waxaana uu sharci daro ku tilmaamay xarigaasi.

Guddoomiye Baashe, ayaa ugu horeyn sheegay inuu ka xun yahay hadalka kasoo baxay xildhibaanka oo ahaa in maalinta xorriyadda Somaliland tahay maalin dad gaar ah leeyahay, balse wuxuu sheegay in Dastuurka Somaliland uu u ogolaanayo inuu aragtidiisa cabiro.

Ciidamada Booliska Somaliland ayuu ku eedeeyey in Xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool ay sifo sharcidaro ah ay ku xireen, isla markaana isaga oo aan xasaanada laga qaadin Gurigiisa loo dhacay lana soo xiray.

Wuxuu sidoo kale tilmaamay in shalay loo diiday in isaga uu xabsiga ku booqdo xildhibaanka,taasina ay kamid tahay sharci darada ka jirta deegaanada Somaliland, sida uu hadalka u dhigay.

Xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool ayaa shalay isaga oo Gacmadaha ka xiran waxaa la horgeeyey Maxkamad,hayeeshee Guddoomiyaha Maxkamadda gobolka maroodi-jeex uu diiday in uu furo gal dacwadeedka arrinta loo haysto xildhibaanka, maadaama xildhibaanka aan wali laga qaadin Xasaanadda.

Hoos ka dhageyso codka guddoomiyaha golaha wakiilada Somaliland

Caasimada Online
Xafiiska Somaliland
Caasimada@live.com