Jubaland oo go’aan cusub kasoo saartay ciidamada ay wataan murashaxiinta

Kismaayo (Caasimada Online) – Taliyaha guud ee Ciidanka Booliska Jubbaland Maxamed Naasir Guuleed Xasan ayaa war kasoo saaray amniga murashaxiinta Madaxweynaha maamulka Jubbaland, xilli dhawaan lagu waddo in Kismaayo lagu qabto doorashadda Madaxweynaha Jubbaland.

Taliyaha ayaa xusay in aan la ogolaan doonin in murashxiinta qaarkood ay amniga Magaalada Kismaayo ay qalqal galiyaan, islamarkaana ay abuuraan xaalad nabadgaliyo daro.

Taliyaha ayaa sheegay in Jubaland aysan aqbali doonin in ciidamada hubeysan lagu haysto magaalada, taasi oo caqabad ku ah amniga magaalada, sida uu sheegay.

Waxaa uu sheegay in suggitaanka amniga murashaxiinta ay iska kaashan doonaan Ciidanka AMISOM ee ku sugan degaanada maamulka Jubbaland iyo Ciidanka Booliska Magaalada Kismaayo.

Waxaa uu tilmaamay in ugu dambeyntii in la diyaariyay Ciidamo gaar ah oo ka shaqeyn doona Ammaanka goobaha ay ka dhaceyso doorashadda Jubbaland.

Ciidamada Jubaland iyo kuwa murashax Cabdi Naasir Seeraar ayaa isku dhac uu ku dhex maray garoonka Kismaayo khamiistii, halkaasi oo afar askari ay ku dhaawacmeen. Jubaland ayaa falkaas ku eedeysay dowladda federaalka.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
caasimada@live.com