Xildhibaan Swedish ah oo u ololeynaya in dalkiisa uu aqoonsado Somaliland

Hargeysa (Caasimada Online) ― Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Dalka Sweden ayaa su’aal geliyey sababta ay Dawladdiisu ugu aqoonsan wayday Somaliland dal-jira.

Magnus Oscarsson oo kamid ah Xildhibaanada Baarlamaaka Sweden ayaa sheegay inuu booqasho ku tagey caasimada Somaliland ee magaalada Hargeysa, isagoona ka dhawaajiyey inuu indhihiisa kusoo arkay Nabad-gelyada ay ku naaloneyso Somaliland.

Xildhibaanka ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in uu la kulmay Madaxweynaha Somaliland intii uu ku sugnaa magaalada Hargeysa, isagoona kulamo kala duwan la yeeshay qaar kamid Madaxda Somaliland.

Oscarsson ayaa Dowladiisa Sweden iyo Shacabkooda weydiiyey sababta ay u aqoonsan laadahay Somaliland, isagoona ka dhawaajiyey in Somaliland ay buuxisay nidaamkii dawladnimo ee looga baahna dal baadi-goobaya inuu ictiraaf buuxa ka helo dowladaha Caalamka.

Xildhibaankan katirsan Baarlamanka Sweden oo ka hadlayey munaasibad ay 18-May ku xusayeen jaaliyada Somaliland ee dalkaasi Sweden, ayaa wuxuu yiri

“Waxaan tagay Hargeysa, waxaan soo arkay Nabadgalyada, waxaan la kulmay Madaxweynaha Somaliland. Markaa waxaan waydiinayaa Dawladda Sweden iyo Shacabka, maxaynu u aqoonsan waynay Somaliland”.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com