Shacab si carro leh uga fal-celiyey safarka madaxweyne Farmaajo uu maanta u baxay

Muqdisho (Caasimada Online) – Shacab dhibsaday safarada dibedda ee madaxweyne Farmaajo ayaa si carro leh uga fal-celiyey qoraal lasoo dhigay barta facebook ee Villa Somalia, oo lagu sheegay in madaxweynaha uu u baxay dalka Cuman.

Madaxweyne Farmaajo ayaa halkaas uga qeyb-galaya aaska Suldaan Qaboos Bin Said oo Jimcihii geeriyooday, hase yeeshee shacab ka daalay safarada tirada badan ee madaxweynaha ayaa jawaabo kulul ka bixiyey.

Madaxweyne Farmaajo oo inta uusan xilka qaban aad ugu dhaliili jiray madaxweyne Xasan Sheekh inuu hantidii umadda safar ku dhameeyey, ayaa saddex sano gudahood safray in ka badan intii uu safray Xasan Sheekh afar sano.

Qoraalladii shacabka uga falceliyeen safarkan ayaa waxaa ka mid ahaa:

Iqra Abdikhadir Abdulle: Kuwa aktiisa ku dhamaado waligiis asoo u tacsiyeynayo yaa arkay, oow mas’uulka ka yahay.

Ibrahim Ahmad: Lacagta safarada badan oo qiimaha laheyn lagu galaa maa caruurta gaajada u dhimanee lagu quudiyo.

Abdi Abukar: 4 sano safar ayuu ku dhameeyay, siyaasi Soomaali xaa ku been ah.

Saad Alı: Midaan la yaabay ayaa ah dhaqaalaha dowladda soo gala maxaa siyaasiinta kaliya ku ekeeyay,  oo masaakiimiinta ku dhaawacmo iyo kuwa ku dhinto qaraxyada ehelladooda maxaa wax loogu qaban la’yahay. Kaliya nin dhargan oo wax ka maqneyn ayaa loo sii dhameystiraa. Maskiin Allaa kuu maqan.

Dahabo Kiin Abdirahman: Asagaba tacsi badan u taalayee muxuu uga qeyb gali waayey. Midda kale safar qarash ku bixin maayo, oo masaakiinta ayaa siin, ma sidaan bey dhashay, awalba kursi doon buu ahaa, wax la aamino ma jiraan bisinka.

Maxamuud Shaacir: Tacsi iyo baroordiiq boqor Carbeed oo dhawr beri ka hor dhintay u safarkiisa waxaa u dhaama inuu murugada la qaybsado boqolaalka Soomaalida ah ee adduunka lagu ciqaabay iyagoon waxba galabsan, illaa haddana cisbitaalada ka buuxa.

Mohammed Deeyoo: Waa baxay iyo waa soo dagay lee maa lagu jiraa 90-ka.

Abdiasis Gure: Digfeer dhaawacyadii Soomaaliyeed yaalayna waa booqan waayay, meyd Cumaani ahna waa kaas madaxwaynaheena tacsi ugu socdo.

Diamond Shik Ahmed: Madaxwayne ma ogtahay xalay 3 caruur inay gaajo u geeriyodeen in ka badana ay jiri karaan, adigana waa iska socdaalaysaa.

Tuuti Tima Yare: Waxaa habbooneyed intuu tacsidaa boqorka geeriyoday ka qeyb gali lahaa inuu saaka ku baxo caruurtaa hareeraha Muqdisho gaajada ugu geeriyootay, qaarna baahida la liitaan

Abdikadir Ali Fantastic: Subxanallah safar badanaa oo tayo yaraa madaxweyne Farmaajo, aaway doodii uu ku doodi jiray waagii uu ahaa shacabka kuna doodii Jiray safarada badan maahin wax wanagsan,  isagoo inagu qancinayo in safaradaas badan ay ku baxaan qarash farabadan iyo waqti qaaliya, war yaa Alle yaqaan oo na dhaafiyo siyaasiyiintan beenta badan oo Alle ka baqeyn.

Abdifatah Ibrahim Omar: Alla ceeb weyna oo damiir xumaa. Wali kamuu qeyb galin tacsida shacabkiisa lagu leeyay qaraxyada iyo ardaydii hadda u danbesay. Walee siyaasiyow ku bartay mar danbe nama qiyaantid.