Aqriso: Xilliga ay dhaceyso doorashada guddoonka baarlamanka Galmudug

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Guddiga doorashooyinka guddoonka baarlamaanka Galmudug ayaa soo saaray jadwalka doorashooyinka guddoonka baarlamaanka cusub ee Galmudug.

Xubnaha guddiga oo ka kooban 15 ruux ayaa kulan ay galinkii dambe ee maanta ay ku yeesheen magaalada Dhuusamareeb, waxay ka soo saareen jadwalkan oo si wadajir ah ay u saxiixeen.

Warqad ka soo baxday guddiga ayaa lagu cadeyey shaxda maalmaha iyo qaabka ay u kala horeyso hanaanka loo marayo doorashada guddoomiyaha, iyadoo lagu soo gaba-gabey doono afar maalmood gudahood sida ku cad warqadda.

Hanaanka lagu soo dooranayo guddoomiyaha ayaa la guda galayaa maalinta berrito ee 14-ka bishan, iyadoo ilaa 15-ka loo qorsheyey in la qabto araajida musharaxiinta guddoomiyaha.

Maalinka xigta ee 16-ka bishan ayaa lagu cadeeyey warqadda in lagu soo gabagabey doono dhageysiga khudbaha musharixiinta guddoonka Baarlamaanka Galmudug.

Ugu dambeyntiina doorashada guddoomiyaha Baarlamaanka iyo ku xigeenadiisa ayaa la qaban doonaa 17-ka bishan Janaayo, iyadoo isla maalinkaas lagu cadeeyey warqadda in xilkaas loo dhaari doono.