Trump oo xeelad aysan Iraq fileyn uga hortagay qorshe lagu ceyrin lahaa ciidamada Mareykanka ka jooga dalkaas

Baghdad (Caasimada Online) – Qorshaha dowladda Iraq ay dooneysay inay dalkeeda uga ceyriso ciidamada Mareykanka ayaa u muuqda mid fashilmay kadib markii madaxweyne Trump uu adeegsaday xeelad aysan fileyn.

Saraakiisha Iraq ayaa ka cabsi qaba “burbur” dhaqaale, haddii Mareykanka uu saaro cunaqabateyn ay ka mid tahay xanibaadda akoon banki oo ku yaalla Mareykanka, halkaasi oo Baghdad ay dhigato lacagta kasoo xaroota iibka saliidda oo ah 90% miisaaniyadda dowladda.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ka carrooday qaraar shanti bishan kasoo baxay baarlamanka Iraq, oo ku baaqay in ciidamada Mareykanka ay dalkaas ka baxaan.

Haddii ciidamada Mareykanka la weydiisto inay baxaan, ayaa Trump waxa uu ku hanjabay “waxaan saari doonnaa cunaqabateyn aysan weligood arkin.”

Dowladda Mareykanka ayaa kadib farriin toos ah gaarsisiay xafiiska ra’iisul wasaaraha Iraq Adil Abdul Mahdi, sida ay laba sarkaal oo Iraqi ah u sheegeen AFP.

“Xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa helay farriin ku hanjabeysa in haddii ciidamada Mareykanka la eryo, uu Mareykanka xannibi doono akoonka aan ku leenahay Bankiga Keydka Federalka ee New York.” Ayuu yiri sarkaal.

Akoonka Bankiga Dhexe ee Iraq uga furan Bankiga Federalka Mareykanka ayaa la sameeyey 2003 kadib markii Mareykanka ay xukunka ka tuureen madaxweynihii hore ee Iraq Saddam Hussein.

Qaraarka Golaha Ammaanka QM ee 1483, ee lagu qaaday cunaqabteyntii la saaray Iraq markii ay qabsatay Kuwait, ayaa dhigaya in dhammaan dakhliga kasoo xarooda saliidda Iraq la dhigo akoonka ku yaalla Mareykanka.

Iraq waa dalka labaad ee ugu saliid soo saarista badan ururka OPEC, waxaana 90% miisaaniyadda dowladda oo gaareysa 112 bilyan oo dollar, ay ka timaadaa dakhliga saliidda.

Sarkaal Iraqi ah ayaa sheegay in haddii akoonkaas laga xanibi aysan dowladda Iraq shaqeyn karin.

“Waxay la macno noqon doontaa burburka Iraq,” ayuu yiri.

AFP