Saddexda qeyb ee ay kala yihiin musharaxiinta xilka madaxweynaha Galmudug

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Galmudug ayaa waxaa toddobaadka soo socda ka dhici doona doorashada madaxweynaha iyo madaxweyne ku-xigeenka, iyadoo ay jiraan musharaxiin ilaa 6 ah oo u tartamaaya xilka madaxweynaha.

Waxaa hadda bilaawday is-xulafeysi iyo isbaheysi u dhaxeeya musharaxiinta kala duwan ee tartanka ku jira, kuwaas oo u kala qeybsan saddex, islamarkaana kala ah.

1 – Qubta 1-aad – Musharaxiin madaxbanaan: Qeybtan ayaa ah musharaxiin ay dowladu iyo xisbiyada mucaadarkuba wadan, oo si shaaqsi ah xooga u saaraya in ay helaan kalsoonida xildhibaanka iyo dadka kale ee saameynta ku leh siyaasada Galmudug.

Kooxdan waxaa ugu cad cad Jeneral Cabdiraxman Maxamed Tuuryare, waxaana ka mida kuwa kale sida Cabdi Dheere iyo Cabdullahi Wehliye.

2 – Qeybta 2-aad – Musharaxiinta dowladda:  Qeybtan waa muxaafad oo dowladfa ayaa wadata oo canshuurtii xamar laga qaaday iyo mushaarki askata ku bixineysa uguna ololeyneysa. Sidoo kale xildhibaano xoog ay dowladda ku soo saartay oo beelahoodi ka daba qeylinayaan ayaa loo xareeyay.

Musharaxiintan ayaa waxaa laga yaabaa una badantahay in  carada loo qabo habdhaqanka dowlada ee xoogga iyo cajajuubka ah in ay keento in xildhibaanadu ugu shubaan codka musharax kale oo ka mid ah  kuwa madax banaan, islamarkaana ay banaanka dhigaan kuwa dowlada ay wadato.

3 – Qeybta 3-aad – Musharaxiinta Mucaaradka: Qeybtan waa musaraxiin ka tirsan xisbiyada mucaaradka ah oo aad u diidan ugana soo horjeeda musharaxa ay wadato dowladda, waxaana laga yaabaa in loolanka iyaga iyo kuwa dowladda uu fursad siiyo kuwa madax banaan. Waxaa laga yaabaa in haddii ay arkaan in aysan iyagu ku guuleysaneyn tartanka in ay ugu shubaan iyaguna mid ka mida musharaxiinta madax banaan.

Dhinaca kale guuxa xildhibaanada cusub ayaa ah mid aad uga soo horjeeda in isjijiidka Xamar ka jira ee ka dhaxeeya dowladda iyo mucaaradka la geeyo Galmudug.

Mid ka mid ah xildhibaanadaas ayaa yiri “waxaan rabnaa musharax aan wax la yeelan karon ee musharax qola kale wadato dowlad ama mucaarad waa adagtahay si aan codkeena u siino, maxaa yeelay anagu ma rabno in aan noqono sidi xilidhibaanada dowlad gobaleeyada qaar, sida Koonfur Galbeed, oo ay dowladu madaxweyne geysatay, sidaasna ay awoodi xildhibaanadaas ku baaba’day.

Loolanka dowladda iyo mucaaradka waa fursadda musharaxiinta madaxa banaan.

Dhinaca kale, musharaxiinta madaxa banaan ayaa iyaguna dhinacooda ku mashquulsan sameynta isbaheysi dhexdooda ah, si ay awood siyaasadeed u yeeshaan codadkoodana u mideeyaan haddii midkood uu rajo wanaagsan yeesho wareegyada doorashada.

Musharaxiinta madax banaan oo ah saddex, sida Jeneral Cabdiraxman Maxamed Tuuryare, Cabdi Dheere iyo Cabdullahi Wehliye, ayaa la rumeysan yahay inuu ugu fursad badan yahay Jeneral Tuuryare marka la eego maqaamkiisa iyo xilalka uu horey dalka uga soo qabtay.