Aqri: Guddiga doorashada Galmudug ee Xaaf oo soo saaray jadwal doorasho

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Guddiga doorashada Galmudug, gaar ahaan garabka uu magacaabay Madaxweyne, Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) ayaa soo saaray jadwal cusub oo ku aadan doorashada guud ee maamulkaasi.

Warqad ka soo baxday guddiga ayaa lagu shaaciyay in doorashada guddoonka baarlamaanka ay dhaceyso 25-ka bishaan Janaayo ee 2020-ka

Sidoo kale waxaa qoraalkaan lagu sheegay in diiwaan-gelinta musharaxiinta Mmdaxweynaha ay bilaabaneyso isla 27-ka bishaan, kadibna doorashada madaxweynaha cusub la qaban doono  1-da bisha soo socota ee sanadkaan 2020-ka.

Jadwalkaan ayaa ah mid ka duwan kii ay soo saareen guddiga farsamada ay dowladdu magacawday, kaas oo ka howlgalla magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud.

Arrintaan ayaa sababi karta in Galmudug ay yeelato laba madaxweyne, haddi aan xal rasmi ah laga gaarin ololaha iska soo horjeeda ee ka socda Dhuusamareeb iyo Gaalkacyo.